shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Talo Waa Mar aad Garanweydo iyo Mar aad Gaadhi weydo

 

(SSC, November 25,  2010 Ceegaag Online)

Mahad ILLAAHAY baa leh Nabadgelyo iyo Naxariisina Nebigeenii Suubanaa ha ahaato SWWC.

Akhristayaasha Qiimaha iyo Qaayaha leh ee nagala socda daafaha dunida waxaan u soo gudbinayaa Salaan qiimo leh ASCW.

Sida aad warbaahinta Soomaalida ka aragteen waxaa todobaadkan wareysi bixiyey Prof. Ali Khaliif Galeyr, waraysiga oo dhinacyo badan taabanayey cali waxa uu aad ugu tuuntuunsaday dulucda wareysiguna ahaa SSC.

1-Su’aalaha iswaydiinta mudani waxaa weeye cali weligii kama hadlin dan dhulbahante ama SSC ilaa maalintii uu mucaaradka ku noqday dawladii kacaankii Maxamed Siyaad Bare, amase xiligii uu Ra’iisal Wasaaraha  Dalka Soomaaliya ahaa maxaa ku hadliyey maanta oo uu TV u soo fadhiistay?

Aan idin xusuusiyee Prof. Cali hore waxaa laga hayaa xiligii uu Ra’iisal Wasaaraha ahaa in uu yidhi (anigu tol dhalasho malihi ee tol siyaasadeed baan leeyahay), waa xiligii uu sheegtay in uu mudulood yahay.

2- haddii cali hore looga hayo waxaas oo dhan goormuu tol noqday? oo SSC xusuustay, haddii xiligii dawladii Maxamed Siyaad Bare ALLE ha u naxariistee ee reeraha kale tashanayeen uu garan waayey in uu keeno talo tolkii ku meel maro uuna door biday in uu reero tashaday daba galo, waad wada xasuusataan in uu ilaa shirkii burco ilaa Boorame joogay, goormay u muuqatay in tolkii talo u baahan yahay?  Kaba sii darane shirkii imbegati xiligii uu gebogeboda ahaa cali wuxuu damcay in uu la loolamo Cabdillaahi Yusuf, nasiib daro cabdillaahi wuxuu haystay taageerada Puntland maamul ahaan iyo ta tolkiiba reer ahaan cali se wuxuu damcay in uu dhulbahante Isimadiisa Garaad C/qani kala boxo inta kalena baal maro, weliba isaga oo aan wax talo wadaaga ah la yeelan shacabka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta SSC u dhalatay midna, guul daraase ka raacday diyaaradii Garaad C/qani uu u soo diray markii loo diiday in ay soo caga dhigato carro Puntland, kadar oo dibi dhal xilligii lagu caanashubayey G Jaamac G cali  Gleyr isaga oo diyaarad ku sita buu kala soo degay Laascaanood wuxuuna sameystay ciidan beeleed aanu cidna kala tashan xataa beeshiisa siyaasiyiinteeda inta aanay isku aragti ahayn, wuxuuna doonayey in uu isagu maamulo madasha canashubka, waxaase garbiyey Ina Xaabsade oo ahaa wasiirkii arihamaha gudaha ee puntland oo iyadu xilligaa maamulaysay Laascaanood, cali oo guuldaro halkaa kala huleelay wuxuu kulamo badan qurbaha kula qaatay G Jaamac, waxay isla qaateen wax la yiraahdo harti nacayb waxay kale oo isla qaateen in loo hawl galo sidii Dhulbahante iyo Harti loo kala goyn lahaa.

Wuxuu gaaf wareegaba cali maalintii doorasha puntland uu ku guul darraystay xaglatoosiye ee G Jaamac Buuhoodle kaga dhawaaqay in uu Puntland ka baxay waxaa u muuqatay cid uu ku guurikaraa in ay fagaaraha siyaasadda ku soo biirtay,  meel kasta oo garaad jaamac galo iyo xaglatoosiye cali waxa uu ahaa diirada hagaysay, hadii aynu dib u eegno wadiiqooyinkii cali maray waxaa inoo cadaanaysa G Jamac iyo prof.  Cali in ay mudo ka shaqeynayeen halkii ay ka baneysanlahaayeen siyaasada Dhulbahante, xitaa shirkii 21/10/2007  Garaadku ku dhawaaqay in Lascanod lagu qabto cali waxa uu ahaa maskaxda ka danbeysay abaabulkaa inkasta oo aanu isa soo banaan dhigin.

Cali waxaa weeye maskaxdii ka danbaysay abaabulkii lagu guuldaraystay ee shirqoolkii Nairobi ee ay ka dhalatay jabhadii HMB ee Dawlada u xuubsiibatay, wuxuu Woqooyiga  America ka soo diray Faarax Gedle oo ahaan jiray gacan yarihiisii xilligii uu Ra’iisal wasaaraha ahaa, faarax markii shirkii dhamaaday wuxuu u soo qalab qaatay qurbaha siiba UK iyo Waqooyiga  America isagoo wata book uu ku magacaabay wixii shirkaa ka soo baxay mar uu faarax la hadlayey Jaaliyada London waxa uu sheegay in shirkani ahaa  (the most transparent and accountable), cali xiligii shirka abaabulkiisu socday wuxuu kulamo badan ku qabtay Nairobi habeenkii taariikhdu ahayd –15/09/09 wuxuu shir albaabadu u xidhan yihiin oo gaadhay ilaa saqdii dhexe la qaatay kooxda Nairobi oo uu ka maqnaa maxamed cabdi xaashi, waxaa ka xumaaday oo aan loo sii sheegin in cali khaliif imanayo G Abshir (muxuu cali na doonayaa baa Garaadku yidhi Garaad wuu ina soo salaamay baa loogu jawaabay), saxaafadana shirkaa waa loo diiday.

Cali shirkaa wuxuu ku soo bandhigay qorshe inkasta oo aan lala qaadan wixii cali sheegay oo dhan sababtuna waxay ahayd dhalinyarada shirka abaabulkiisa waday ee hawlwadeenada looga dhigay looma sheegin cida ay u shaqaynayaan in ay tahay cali, qorshayaashii cali soo bandhigay waxaa ka mid ahaa in uu codsaday in guurtida shirka imanaysa lagu daro rag 8 ka kooban oo uu isagu wato oo u badan horgalada Soomaalidiidka badankooduna aan xilal ka hayn ee u adeega, waxaa kale oo uu sheegay in ay kooxda qaban qaabadu xil iska saaraan oo keliya sidii ay halkaa maamul ugaga dhawaaqilahaayeen meelmarinta maamulkaa, aqoonsigiisa iyo dhaqaalihii uu ku shaqaynlahaana isaga loo daayo.

Cali wuu is hayn kari waayey maadaama uu arkay wixii uu soo abaabulay in ay dumeen, intii wareysigaasi socday cali ma soo hadal qaadin inaba dadkii dedaalka u galay in SSC aanay wax dulmi ah qaadan dibad iyo gudoba mana soo hadal qaadin ololihii siyaasadeed ee NSUM ku qaaday Soomaalidiidka caqabada koowaadna ku noqotay ilaa iyo 2008kii in aan wax citiraaf ah la siin, una bandhigay Caalamka in Soomaalidiidku yihiin qabiil ka mid ah qabaa’ilka dega Woqooyi doonayana in ay inta kale afduubaan.

Sanooyinkii badnaa ee cali USA ku noolaa Soomaalidiidkuna ololaha siyaasadeed ka wadeen cali maalina isma hortaagin weliba isaga oo fursado badan haystay, xiiligii uu Ra’iisal Wasaaraha ahaa weli lama hayo meel uu kaga hadlay ama kelmed taageero ah ugu gaystay shacabka dhulbahante, cali maanta dantiisii baa sakal gashay.

Ilaa iyo sanadkan bilowgiisii marar badan buu cali werysi siiyey warbaahinta marwalba waxa uu soo qaataa in loo baahanyahay in Soomaalidiidka la ictiraafo waxaana uu sabab uga dhigay in dani ugu jirto Soomaalida, waxa kale oo uu sheegay in shirarka Soomaalida loo qabanayo Soomaalidiidka lagu qabto.Wareysigiisii ugu danbeeyey cali waxa uu amaanay Cismaan Kalluun socdaalka uu ku tegay Hargeysa iyo weliba in rag kale uu sugayo in ay tagaan, waan ognahay Cali, Siilaanyo iyo Cismaan waa saaxiibo, waxayna u badan tahay in ay London todobaadkan ku kulmayaan. Todobaadadii la soo dhaafay Cali wuxuu London kula kulmay rag ay isku raas yihiin kulankaas oo G Jaamac ka qaybgaley waxaa kulankaas garaadku ka sheegay in uu SSC isagu sameeyey loona baahan yahay in Dhulbahante u daba fadhiisto arimaha SSC, Maalintii kooxda la baxday wakiilada hogaanka ee London ay lakulmayeen Madaxweyanaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cali Taleefan buu kula soo hadlay haseyeeshee telefoonkii cali waa lagu dhigay iyada oo kooxdii u shaqaynaysay ay maqlayaan.

Waa loo baahnaa qof leh waaya aragnimada siyaasaddeed ee cali in uu SSC u soo baxo hase yeeshee maaha meesha cali ka miisayo mid keenikarta guul iyo in SSC shacabkeedu ka baxaan dulmiga lagu hayo oo dhinacyo badan ka socda.

Cali waa aqoon yahan dhanka siyaasadda ah waxay ahayd in ay ukala soocan yihiin ka mid ahaanshaha Dhulbahante ee Puntland iyo dulmiga uu Dhulbahante ka tirsanayo Puntland, Dhulbahante wuxuu wax ka samaystay Puntland wuuna ka mid ahaandoonaa ilaa wada tashi buuxa waxgaradka Dhulbahante ka yeeshaan ka mid ahaanshaha Puntland, Soomaalidu waa reero ilaa la helo dawlad damaanad qaada dalka dhamaantii baahidii Puntland loo aasaasay way jiraysaa.(cilmiga ha laguu dhigee caqligaa lala kaashadaa) aqoon keligeed wax ma tareyso, waxaad kale oo cad cali in xitaa ajaanibtu ka odorosi ogtahay xaalka Dhulbahante uu maanta ku sugan yahay hadii aan talo mug weyn lagu salayn in ay keeni karto dagaal sokeeye ama kala qaybsanaan abadi ah.  shakhsiyaad ku hungoobay madaxtinimada Puntland Dhulbahante kama saarikaraan Puntland, waa run takrifal fara badan oo dhinaca xukunka ahi wuu ka dhacay Puntland denbiga ugu wayna waxaa leh madaxdii Dhulbahante ee ka mid noqotay Puntland(geel jire geela waa wada jirtaa waana kala jirtaa) ama( ninkii seexdaa sicii dibi dhalay), dhibaatada dhulka iyo dadka SSC gaadhay waxaa badankeeda ka masuul ah Maxamed Cabdi Xaashi oo weliba ka mid ah abaabulayaashii shirqoolkii Nairobi.

Haddii in yar aynu taariikhda dib ugu noqono xilligii uu Cali mucaaradka ku ahaa dawladii ALLE ha u naxariistee Maxamed Siyaad Bare  ee ay jireen jabhadihii saddexda ahaa(SNM, SSDF, USP) Cali marna ma mucaaradin weliba wada shaqayn buu lalahaa SNM, wuuna garan waayeyey reeraha is hubaynayaa waxay duulaanku yihiin dadkaaga.

Cali waa nin sida saxansaxada u uriya shirarka xisaab sax ahna aan isu gayn Karin oo soo saarikarta waxa uu doonayo, maaha bahal karti uu wax ku goosto leh tusaale ahaan xiligii uu Ra’iisal Wasaaraha noqday Daarood dhamaan baa aad ugu faraxsanaa wuuse gabay wixii looga fadhiyey SSC oo uu wax taro iska daaye wuxuu qorikari waayey Wasiir Dhulbahante ah C/qaasim oo madaxweyne ahaana waxa uu qoray 5 Wasiir oo Habar gidir ah, mar la weydiiyey wuxuu ku jawaabay tayda ma idiin googooyaa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!, wuxuu sababay in Kismaanyo C/qaasim reerkiisu qabsadaan, Qanyare oo keliya intii uu u siiyey in uu garoon diyaaradeed ku dhisto ayaa SSC oo dhan ku filayd kana difaacilahayd in la qabsado.

Farqiga fahamka Siyaasaddeed ee ani iyo Cali aanu ku kala duwanahay akhristow waxaa weeye xilligii cali sacabka u tumayey jabhadaha magaca reeraha lagu aasaasay anigu waxaan cadeeyey in aan wax dan ahi ugu jirin dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo ay horseed u yihiin sidii dalka Soomaaliyeed loo burburinlahaa cadowgii ummada Soomaaliyeedna ay dhabarka saareen oo ay taakulayn ka helayaan, hadalkaas waxaan isaga oo wareysi ah siiyey laanta Afka Soomaaliga ee BBC bishii Augest sanadkii 1989, waxaa kale oo aan wareysiga ku soo qaaday in Maxamed Siyaad ALLE ha u naxariistee haddii ay daacad ka tahay in uu doonayo in uu xukunka wareejiyo uu cid ku meelgaadh ah oo dalka hanankarta dalkana doorasho xor ah gaadhsiisa in uu u dhiibo.

Caliyow waa laguu baahnaa mudo aad u dheer hase yeeshee xalku kuma jiro laba qof oo ku guul daraystay tartankii doorashooyinka Puntland  in aad dhinaca saarto oo aad indhaha kalaliso waxgaradka, isimada iyo siyaasiyiinta doonaya in ay si miyir qabta uga saaraan SSC dhibta haysata xoriyada dhulkana soo celiyaan. Guul bay ahaan lahayd haddii Cali xilligii shirqoolku socday  Cali shir Dhulbahante u bedelilahaa, wada tashi balaadhana la yeelanlahaa  waxgaradka iyo aqoonyahaniinta SSC  uuna la kaashanlahaa gaadhista lato mug leh oo laysku raaco ( madax madow iyo mindi saawir ah midna lagama quusto) Caliyow Dhulbahante shir buu isugu imandoonaa goor aan fogeyne wixii aad hayso halkaa keen, danta guud u soo deg oo taada gaarka ah jooji, inkasta oo aanan garaneyn sida looga soo kabanayo dhibaatada aad geysatay dhawrkii sano ee la soo dhaafay ha ugu daraato dhibaatada dhaqanka ee aad axmed garaad dhexdhigtay, dhulbahante waxa uu lee yahay 13 isim siyaasiyiin badan iyo aqoon yahanoba hal isim oo aad laqool jeexdaana uma go’aaminkaro. Caliyow markaad gaadhi lahayd maad garan.

Guul iyo gobanimo

Eng. Maxamud Caydiid Dirir

Essa Ahmed Mohamed soofebuuhoodle@hotmail.com

London  

Ogow: Ceegaag Masuul kama aha Figrada Qoraalka ee waamid ku kooban Qoraaga ku Saxeexan.

 

webmaster@ceegaag.com