Goobta Wayn ee loogu tala galay Wadahadala Lagu Dhex Dhexaadinayo Beelaha ka soo kala Jeeda Buuhoodle iyo Bariga Burco ayaa Maanta Waxa ka Furmay Wajigii labaad ee Wadahadalada Labada Beelood kadib Dhaartii Xubnaha labadaasi Beelood laga Dhaariyey Maanta galinkii Danbe intii uu halkaasi ka socday Shirkaasi dhex dhexaadinta Labada Beelood lagu Heshiisinayo oo Maanta Hoolka Nabada si rasmi ah uga Furmay oo uu Furay Gudoomiyaha Ergada Nabad Raadinta Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldan Madar oo Goobta ka soo Jeediyey Khubado ku aadan Furintaanka shirka
 
Ugu horayna Waxa Halkaasi laga soo Jeediyey Khubado Farabadan oo Wacdi ah oo ku saansan Colaada labadani Beelood Dhextaala iyo Qaabka ugu Wanaagsan ee Colaadaasi Meesha loogua saari lahaa, laguna Gaadhi lahaa Nabad Waarta oo Caab ah oo gaadha Deegaaka oo Dhan.
 
 
Suldaan Maxamed Xasan Ibraahin ayaa intaasi kadib Madasha ku soo Dhaweeyey Labo Xubnood oo katirsan Labada Beelood oo goobta kaga Dhawaaqa inay Nabada Qaateen kana shaqaynayaa isla Markaana ka Hadlaya Dareenkooda, Waxana Dhinaca Buuhoodle hadalka loo Wakiishay Caaqil Abdi Samad Cali Xasan oo ugu horay goobta ka sheegay inuu tacsi u dirayo Dhamaan Dadkii ku geeriyooday Dagaalkii ka dhacay Baliga Kalshaale Waxa uu Caaqiku goobtaasi ka sheegay inay Dhinacooda Reer Buuhoodle ahaan Nabada Diyaar u yihiin kana shaqaynayaa Guud ahaan Nabad raadinta Mahadna u Celinayaa Ergooyinka Yimid goobta.

                    Caaqil Abdi Samad Cali Xasan      Dhagayso

 
Dhinaca Beesha Bariga Burco ayaana Dhinacooda Waxa hadal Kooban Goobta ka sheegay Adan Warsame Xagaa oo sheegay inay Nabada Qaateen laakii Goobta ku Xidhay Shuruud isagoona Hadalkii uu soo Wadaya laga joojiyey,

Kalmadii Adan Warsame Xagaa   Dhagayso

Waxana Dhinaca Ergooyinka goobta uga Hadlay Garaad Maxamed Cilmi shirwac oo kamd ah Isimadii ka yimid Dhinaca Puntland oo goobta ka sheegay inuu aad ugu Boorinayo Dhinacyada Beelaha inay ka shaqeeyaan Nabada tanaasulaad Badana Muujiyeen( Khubadaasi oo farabadan ka dhagayso Shabakada Wararka Ceegaag.com).

KalmadiiSuldan Cismaan Suldaan Cali    Dhagayso

Kalmadii Garaad Maxamed Cilmi Shirwac  Dhagayso

Daawo Sawiradii Goobta shirka ee Meygaagle

 

 
           Cali Dhagjar
           Ceegaag.com
           Maggaagle.