Iyadoo Maanta loo balansanaa inuu Deegaanka Maygaagle ka furmo Wadahadaladii lagu Dhex dhexaadinayey Meelaha ka soo kala Jeeda Buuhoodle iyo Bariga Burco ayaa Maanta deegaanka maygaagle Waxa subaxnimadii hore gaadhay Wufuud farabadan oo ka anba baxay gobolka Cayn oo ka kala yimid Deegaano badan, Waxana saaka Wufuudaasi Isimada ah horkacayey Garaad Abdilaahi Garaad soofe oo kamid ah Isimada gobolka Cayn iyo Isimo farabadan oo ka yimid dhinaca Puntland.
 
Deegaanka Maygaagle ayaana Waftigaasi Balaadhan kulamo kula Yeesheen Ergooyinkii dhex dhexaadinta oo iyana goobta soo gaadhay Waxana Ergooyinkaasi Isimada Gobolka Cayn u sheegeen in Galabta Beesha Bariga Burco soo gaadhi Doonto Deegaanka Maygaagle halkaasina ka bilaaban doonto ugu horayba dhaartii loo balansanaa oo lagu adkaynayey guud ahaaba amaanka.
 
 
Sugitaan farabadan Kadib ayaa Ergooyinkii Dhex dhexaadinta u sheegeen in Beesha bariga Burco Maalinta barito ah soo gaadhi doonto Deegaanka Maygaagle oo shirku si rasmi ah uga furmi doono Maanta dib u dhac ku yimid, dib u dhacaasi oo sabab looga dhigayo Weerar gaadmo ah oo fashilmay oo Xalay lagu soo Qaaday Deegaanka Qudhac dhalaan iyagooba beesha Bariga burco dib ugu laabtay kana Wadahadlaya Weeraradaa.
 
 
           Cali Dhagjar
           Ceegaag.com
           Maggaagle.