shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Seminaar ku saabsan mide-ynta Haweenka Soomaaliye-ed oo magalaada Muqdisho ka socda
 

(Muqdisho, November 10,  2010 Ceegaag Online)

Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay Seminaar ku saabsan mideynta Haweenka Soomaaliyeed, waxaana seminaarkaasi oo ay soo qabanqaabisay Hay'adda Wadahadalka bulshada (CCD) ka soo qeyb galay Haween Xildhibaano ka ah Golaha Baarlamaanka KMG ah, ururka Haweenka Qaranka, ururrada haweenka G/Banaadir, xubno haween ah oo ka socday NGO-yada ka howlgala dalka iyo haween ka socday 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

Munaasabadda furitaanka seminaarka waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay madax ka tirsan ururradac haweenka ee iyagu ka qeyb qaadanayay seminaarkaasi, hase yeeshee waxaa halkaasi khudbadii u horeysay ka jeediyay madaxa arrimaha haweenka Hay'adda CCD Sahra Maxamed Amiin oo ugu horeyntii u mahad celisay ka soo qeyb galayaasha seminaarka, iyadoo sidoo kale agaasinka Seminaarka uga mahad celisay madaxda Hay'adda oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha CCD Md. Ciise Axmed Cumar, waxayna ka qeyb galayaasha seminaarka ku boorisay inay ka faa'iistaan waxyaabaha ay ka kororsadaan seminaarkaasi.
 

Xildhibaanad Caasho C/llaahi Ciise oo halkaasi khudbad ka jeedineysay ayaa sheegtay inay Hay'adda CCD uga mahad celineyso howlaha iyo dadaalada ay ugu jirto arrimaha nabad ku soo dabaalida dalka iyo seminaarada qeybaha bulshada uga tashanayaan arrimaha dadkooda iyo dalkooda, waxayna ka dhawaajisay in seminaarkaasi uu ku soo beegmay xilli baahi weyn loo qabo sidii sare loogu qaadi lahaa doorka haweenka ay ku leeyihiin dalka, waxayna sidoo kale caddeysay in Xukuumadda KMG ah ay ku maqan tahay xuquuqda haweenka, iyadoona madaxda sare ee dowladda KMG ah ugu baaqday inay haweenku helaan saamiga ah ku leeyihiin dowladda, oo ay sheegtay in taasi ay ku timid gaabiska ku yimid haweenka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Caasho Cumar Gesdiir oo halkaasi ka jeedisay khudbad dhinacyo badan taabaneysay ayaa ka dalbatay ka qeyb galayaasha seminaarka in muddo shan daqiiqo ah loo istaago labadii gabdhood ee lagu dilay magaalada B/Weyne oo ay sheegtay in si xaq darro ah lagu dilay, iyadoona kaddib eheladii ay ka geeriyoodeen loo duceeyay, waxayna ku talisay Marso Caasho in dhibaatooyinka dumarka heysta ay uga bixi karaan oo kaliya iyagoo isku duubnaada, si ay markaas kaddib ugu istaagaan inay xaqooda soo dhacsadaan iyadoo sheegtay in ururkeedu dadaal ugu jiro baadi doonka xaasaska Xildhibaanada ay isaga kaashadaan arrimaha lagu horumarinayo haweenka iyo midnimadooda.

Dhinaca kale Ruqiyo Cali C/lle oo ah Guddoomiyaha ururka haweenka dalladda ururrada bulshada G/Banaadir ayaa iyana halkaasi ka jeedisay khudbad kooban oo qiiro gelisay ka qeyb galayaashii Seminaarka ayaa sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo tiir dhexaad u ah bulsho kasta, sidaasi darteedna wiilasha maanta dhibaatada ka wada dalka ay dhashay, u dhaxday lana dhalatay Haween, waxayna ka dalbatay haween kasta inay gogosha ku banneeyaan raggooda haddii ay ka diidaan inay dagaalada iyo dhibaatada joojiyaan,. "Dahabshiilkeena ayaan ka xiraneynaa ragga haddii ay naga diidaan inay dagaalada joojiyaan".

Seminaarka ku saabsan mideynta HAweenka Soomaaliyeed waxaa kale oo khudbad ka jeediyay Afhayeenka ururka midnimada haweenka Soopmaaliyeed Canab Xasan Cilmi, Faadumo Aadan Cosoble, iyo xubno kale, hase yeeshee haweenka ka qeyb galay seminaarka oo tiradoodu gaareysay in ka badan 100-haween ah, ayaa halkaasi ku qaatay casharo ku aadan qaabka haweenka Soomaaliyeed ay u midoobi lahaayeen, haddii ay midoobaan natiijada ay gaari karaan iyo su'aalooyin ku saabsan mideynta haweenka, waxayna ka qeyb galayaashu soo jeediyeen afkaaro iyo talooyin ku aadan midnimada haweenka.

 

Xigasho: Calayaale

 

webmaster@ceegaag.com