shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

R/wasaaraha Soomaaliya oo kormeer hawleed ku tagay  maanta xeryaha milatariga ee caasimada Muqdisho.

 

(Muqdisho, November 18,  2010 Ceegaag Online)

R/wasaarha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay wehliyaan Taliyaha ciidamada XDS iyo saraakiil kale ayaa booqashadiisa ka bilaabay Dugsigii Tababarka Ciidamada Xalane oo ay ku jiraan Ciidamada Amisom waxa uuna halkaasi salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Amisom isagoo intaa kadib kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada Amisom, kaas oo ay saxaafadu dibada ka joogtay.

Sidoo kale R/wasaaruhu waxa uu booqday Xarumaha Ciidamada Dowladu ku leeyihiin deegaanka Jasiira iyo Xoosh, halkaas oo uu salaan sharaf kaga qaatay qaar ka tirsan Ciidamada Xoogga, isagoo warbixin ku saabsan xaalada Ciidamada halkaasi kaga dhageeystay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Intaa kadib R/wasaaruhu waxa uu soo gaaray xarunta  Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Villa Baydhabo halkaas oo ay ka dhaceeysay Munaasabad lagu soo dhaweeynayay R/wasaaraha Soomaaliya, iyadoo cutubyo ka titsan ciidamadu ay R/wasaaraha hortiisa ku soo bandhigeen gaada ka ciyaar ciidan, halka fanaaniinta Ciidamada Xoogga ee Horseed ay soo bandhigeen heeso qiiro leh oo ka tarjumayay ahmiyadda iyo waxqabadka Ciidamada.

R/wasaaraha oo halkaasi ka hadlay ayaa wax laga xumaaday ku tilmaamay in iyado ciidamo aad u farabadan ay diyaarsanyihiin hadan laga faa’iideeysan waayay awoodda ciidamadaasi, wuxuuna balanqaaday in Ciidamada Mushaaraadkooda ay heli doonaan isla markaana aan lagu sameeyn doonin wax musuqmaasuq ah uuna ka shaqeyn doono sidii sare loogu qaadi lahaa tayada ciidamada.

Ugu danbeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Taliyaha ciidmaada Xoogga dalka Soomaaliye Sareeye Guuto Axmed Jimcaale Geedi, oo sheegay in ay tahay markii ugu horeeysay ee R/wasaare  uu booqdo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed taasina ay muujineyso sida ay uga go’antahay in R/wasaaraha uu mudnaanta siiyo dib u habeynta Ciidamada.

Waana markii ugu horeeysay ee R/wasaare farmaajo uu booqdo xerooyinka ciidamada tan iyo markii dhawaan la magacaabay.

Daawo  Sawirada

Xigasho:Radiomuqdisho

webmaster@ceegaag.com