shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qiimaha iibka xoolaha oo saylada Degmada Ceegaag ka gaadhay halkii ugu sareysay.

(Ceegaag, November 08,  2010 Ceegaag Online)

Cabdi Saleebaan Raygal & Nuur Ismaaciil Dhageyso

Iyadoo Guud ahaanba Qiimaha Xoolaha Soomaalidu sanadkani gaadhay Halkii ugu Saraysay oo Dekadaha Magaalooyinka Waa Wayn ee Somalia kuyaala laga Dhoofinayo xoolo farabadan oo laga qaatay dhulka soomaalidu dagto ayaa qiimaha Xooluhu Waxay haatan gaadheen halkii ugu saraysay Waxana inta badan Xoolaha Gaadiidku ka Daabulayaa Degmooyinka tuulooyinka iyo Dhulka Miyiga ahba oo Gaadiidku Xoolaha ka soo Qaadayo.

Degmada Ceegaag Waxay kamid tahay Degmooyinka Xoolaha ugu badan laga Dhoofiyo Waxana Qiimaha Needka adhiga ahi Gaadhay Halkii ugu saraysan Sanadkani oo lagu kala iibsano Neefka ahminka ah lacag dhan 1m 500kun Shilin
Somali oo u Dhiganta 50$ Doolar oo laga kala siisanayo Saylada Xoolaha ee Degmada Ceegaag, sida uu Shabakada Wararka Ceegaag.com u sheegay Cabdi Saleebaan Raygal oo kamid ah Dilaaliinta Degmada Ceegaag oo Waraysi siinayey Shabakada Ceegaag.com.

Cali dhagjar
Ceegaag

webmaster@ceegaag.com