shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qaylo Dhalaan ku Socota Dhamaan Shacabka SSC ee Daafaha Caalamka

(London, November 21,  2010 Ceegaag Online)

CIID MUBAARAK dhamaantiin Mudanayaal iyo Marwooyin saqiir iyo kabiir ba

Mahad ILLAAHAY baaleh Nabadgelyo iyo Naxariisina Nebigeenii Suubanaa korkiisa ha ahaato swwc.

Anigoo ka faa’iidaysanaya munaasabada Ciida Barakaysan, waxaan jecelahay in aan idiin soo gudbiyo arimo xaasaasi ah oo mustaqbal ka inta nool iyo inta dhalandoontaba saamayn ku leh, mudanka ay leedahay haddii ay naan marin.

Sida aad lawada sootaan abaabulkii aynu isku daynay mudo sanad laga joogo waxaa ina legdin boobay rag dano gaar ah leh dhaxalkeediina waxa uu noqday in aynu ku khasaaray dhamaan waxyaabihii aynu ku taageeray, burbur tafaraaruq, talola’aan, dhaqaalihii aynu u urursanay in aynu wax ku qabsano oo la lunsaday, ciidamadii aynu labada sano ururinaynay oo la kala diray, dhaqankii beelaha oo hoos loogu dhaadhacay oo rag dano gaara lihi garaado aan lala ogayn u samaysteen, waxaa inagu socota mahadho ceebeed haddii aynaan isdabaqaban.

Hadaba si aynu isu daba qabano talo hufan oo ina anfacdana uqaadano waxaa loo baahan yahay in aynu markale si miyir qabta isu abaabulo taladeenana cid qaadi karta u dhiibano nidaamkii aynu daneheena ku qabsanlahayna aynu samaysano, wax kasta oo la samaynayo jid loo maro baa ka horeeya inta aan lagu dhaqaaqin, deraasayn waafi ah baa ka horeysa si baahida loo odoroso.

Abaabulkii hore ee guuldarada iyo in laynagu maadsado ina daxalsiiyey waxaa qayb laxaadle ka qaatay qurbajoogta ku waasoo bixiyey dhaqaale aad u badan dhaqaalahaa ururintiisa waxaa masuuliyada badankeeda hayey shakhsiyaad tiro yar oo la ‘og kuwa guuldarada lamaagay Shacabka SSC Jabhadii loogu magacdaray Hogaanka Midaynta iyo Badbaadadana HMB ula baxay SSC dhowaana dawlada u xuubsiibtay, waxaa kale oo ku weheliyey inbadan oo daacad ah haseyeeshee la khalday.

Waxaan dhamaan shacabka SSC ugu baaqayaa in ay dib isu abaabulaan dalkastana gudiyo caafimaadqaba laga dhiso, wadaniyiin ah, daraawiish dhab ah, hankii awoowayaashood leh, sokeeyana wax tari kara cadowna ciil badikara, taarikhriikhda mugdiga ah ee inoo baxday masaxikara, magaceenii soo celinkara, darxumada ay dadkeenii ku nool yihiin ka dhiidhiya, quudhisiga iyo gunnimada ka dhiidhiya, maqnaanshohooda cadkooda meel ladhigo, buruudkooda laga boqo, waxaan idinku boorinayaa ILLAAHAY na kabaryayaa in uu idin waafajiyo ayaama Ciida barakaysan inuu quluubtiina isu soo jeediyo, beerkiina burcad isu mariyo.

Sifooyinka aan kor ku soo sheegay Hablaha iyo Raga ku sifoobay oo leh aqoontii iyo waaya aragnimadii hawshii loo idmado lagu qaban lahaa baa ILLAAHAY idankiis inaga saarikara cidhiidhidhiga iyo sakasha kuwa danta gaara lihi ina geliyeen.

Mar labaad iyo mar saddexaadba waxaan shacabka SSC ee daafaha caalamka jooga ku ugu baaqyaa in ay abaabul midaysan oo miyir qaba wadatashi ku salaysan bilaabaan hawshana kala wareegaan intii hore isugu tilmaantay xalaasha masiirka SSC na manjaro habaabisay.

Waxaan ku soo gunaanadayaa hamblyo iyo bogaadin aan u jeedinayo dhalinyarada mutadawaciinta ah ee soo abaabulay shirkii axadii 14/11/10 , kaas oo ay ka qayb galeen waxgarad farabadan, dibad iyo gudaba oo u dhashay SSC, Khusuusidii, odayaal ay ka mid yihiin ragii wax ka aasaasay, hogaanka xog dhab ahna ka bixiyey meesha maanta xaal marayo, jaaliyadaha dalal kala duwan ururka NSUM iyo shacab badan oo danaynayey in ay ogaadaan xaqiiqada dhabta ah , talooyin dhaxalgal ah baa laga soo jeediyey shirkaa waxaana rajeynayaa intii joogtayna in ay hirgeliyaan balantii halkaa lagu kala qaatay inta maqana lagaadhsiiyo todobaadka soo socdana wax qabad mug leh abaabulkiis lagalo oo lagu baahiyo daafa dunida.

Guul iyo Gobanimo

Eng. Maxamud Caydiid Dirir

London

Ceegaag masuul kama aha afkaarta dadwaynaha ee way soo gudbisaa uun, cidii doodka qabta qoraalka ha laxidhiidho  shaqsiga ku sexeexan

webmaster@ceegaag.com