shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Prof. Cali Khaliif Galleyr oo ugu baaqay Baarlaanka iyo shacabka Soomaaliyeedba inay taageeraan  Dowladda Ra'iisal Wasaare Farmaajo

 

(London, November 18,  2010 Ceegaag Online)

Ra'iisal wasaare Prof. Cali Khaliif Galleyr oo haatan ku sugan magaalada London ee cariga dalkaasi Boqortooyada Ingiriiska ayaa ugu baaqay Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan dawlada cusub ee Ra’iisalwasaare Farmaajo.

Pro. Galleyr ayaa ku nuuxnuux saday baahida hada loo qabo in la helo duul samata bixiya Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in uu Ra’iisal wasaare farmaajo soo dhisay dawlad yar oo tayo badan kana soo fushay maskax dad Soomaaliyeed oo aan looga soo yeedhin dibada dadka uu u magacaabayo jagooyinka.

 

Prof. Galleyr ayaa sheegay in dawlada aan lagu soo dhisin habkii caynxidhka ee 4.5 isagoo intaa sii raaciyay inuu aqoon fiican u leeyahay badanaa dadka loo magacaabay golaha wasiirada, ayna yihiin waasida uu hadalka u dhigay e dad leh khibrad iyo aqoon ay ku samatabixiyaan Soomaaliya oo haatan bohol gundheer ka sii shalwanasa.

Mar wax laga waydiiyay safarkiisa uu ku joogo London ayuu sheegay in isaga iyo dad aqoonyahano ahi ay qorsheynayaan asaaska idaacad iyo Telefishan awood u leh inay daawadaan amaba dhageystaan qof kasta oo Soomaali ah adduunka meel kasta haka joogee.

Pro. Galleydh ayaa hoosta ka xariiqay inuusan wali diyaar u ahayn inuu isaga fadhiisto maslaxa siyaasadeed ee Soomaaliya isagoo sabab uga dhigay in arimaha Soomaaliya ay haatan u muuqdaan mid ay gacanta ku hayaan Soomaalidu oo fara gashiga shisheeyuhu gabaabsi sii noqonayo.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com