shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Nin dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inuu kufsaday gabar lix jir ah oo xukun qisaas ah ay Al-shabaab ku fuliyeen

(Galguduud, November 19,  2010 Ceegaag Online)

Maxkamada xarakada Al-Shabaab ee gobalka Galgaduud ayaa xukun dil ah ku fulisay nin lagu eedeeyay in uu galay fal kabaxsan shareecada Islaam.

Ninkaan xukunka dilkaa lagu fuliyay ayaa waxa uu ahaa wiil dhalinyaro ah waxaana lagu eedeeyay in uu u galmooday gabar yar oo 6 sano jir ah oo ku nool degmada Galhareeri ee gobalkaasi Galgaduud.

Qaadiga maxkamada gobalka Galgaduud ee xarakada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Sheekh Daahir Axmed Cumar Abuu Sakariye ayaa waxa uu sheegay in eedeesanahaan uu qirtay danbigaasi.

Sidoo kale qaadiga ayaa waxa uu sheegay in ay xukunkaan ay u cuskadeen shareecada Islaamka isla markaana ay ku fuliyeen wiilkaan dhaliyarada ah.

Xukunkaan dilkaa ayaa waxa uu ka dhacay meel fagaaraa oo ku taala degmada Galhareeri ee gobalka Galgaduud waxaana halkaasi isugu soo baxay dad aad u farabadan.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com