shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Nin aan kuu Furi doonini Yuu kuu Rarin:

(London, November 06,  2010 Ceegaag Online)

 

Mahad ILLAHAY baa leh Nabadgelyo iyo Naxariisina Nebigeenii Suubanaa korkiisa ha ahaato CSW.

Tan iyo bishii 2aad 2009kii waxaan in badan shacabka dhulbahante uga digay cawaaqib xumada ka dhalankarta haddii talada dhulbahante ay tuurta ku qaataan kuwo aan qaadi karini, dhawaaqyadaa xog ogaalnimada ah iyo saadaashaa saxa ah dheg looma dhigin, inbadan oo ka mid ah shacabkii dhulbahante waxay la qool jeexday kooxdii waalayd ee xukunka iyo qaadku madaxmareen,( hadii dameer malab la saaro miyuu og yahay in uu malab sido)?

Inbadan baan idhi war talada SSC kooxdan markay murqaamaan xuxunku hormaraa maqaadikaraane ha laxidhxidho waayo qofkii waasha in aanu naftiisa wax yeelin dadka kalena wax yeelin baa loo xidhaa, kuwo qalinka laga dulqaaday baad miciinsateen saa waagaa hortiina ka beryey.

Dhibaatadii aan labada sano ka digayey maanta waa marag madoonto, horey lasanod baa SNM u qabsatay kooxda Nairobi ilaa maalintii ay soo baxdayna intii kale bay fara ka saartay, waataa maanta widhwidh ay ku damaashaadayaan Somalidiidkii, waataa Buuhoodle dushiisa baraagaha habarjeclo ka qodanaysa ee lagu dhiciwaayey, waataa buuhoodle oo 21sano Somalidiidku fooda gelinwaayeen maanta baraagaha laga dul qodanayo, waataa Fu’aad Aadan cade qorilay ilaa Dharkayn  ka khodbaynayo, waa kaas xaabsade ilaa xuduuda mudug gaadhay waxa uu halkaa u joogaa waa xuduudii baanu soo xidhnay,meeye kuwii Daa’uud Bisinle xabadaynayey maxay xaabsade iyo Fu’aad u xabadayn waayeen mise awalba iyagaa soo dirsaday, waxay u badan tahay in awalba xaabsade iyo Fu’aad hogaanka la shaqaynayeen waayo dhamaan raga hogaanku waxay ka soo jeedaan xubnihii hore ee NSM iyo in wakiil ka ah(Buurawadal iyadoo shir dhulbahante loo fadhiyo baa hore SNM u soo dirsatay AW DAAHIR oo guurti ku sheegooda ka tirsan todoba maalmood buu halkaa joogay shaqadii uu u yimi maalintaasina waata maanta aynu aragno waxa ay dhashay), ninkii habeenkii Lasanod la qabsaday hargeysa joogay goormuu is bedelay oo wadani noqday?

Haddii beentii ay dhamaatay oo hubkii iyo lacagtii shacbka SSC faraha ka saareen hogaan ku sheega  lagu hungoobay, hilbaysatada u tudhiwaayey dumarka iyo caruurta ay janqeeyeen oo ay jeebkooda baadheen  oo hadana weliba iyadoo loo jeedo iyaga oo si hufan ula shaqaynaya SNM hadana shir ay lacag ku urursadaan qabanaya, adduunka waa wax aan sheeko iyo shaahid toona lagu maqal been la’ogyahay dad doonaya in ay fagaare ka sheegaan.

 

Filanwaa waxaa igu noqotay NSM oo widhwidh ku damaashaadaysa iyo hungadii oo shacabka ku baadhanaysa shir deg deg ah halaysugu yimaado, widhwidh baa la dulfadhiyaaye iyo ciidamo baanu gelindoonaa,  layaab maleh shacabka dhibani waayo horey baa loo yiri nin buka boqol u talisay maalinba midbaa sida shaydaanka meel iska soo madoobaynaya oo isu oohinaya, waar barta beenta iyo ilmada yaxaaska ee lagu qadhaabanayo, waar nin cadowga la shaqaynaya

 

 baad weliba lacag ugu daraysaan, kooxdani khiyaamo qaran bay geysteen waana in lala xisaabtamo oo denbiga ay galeen aan laga saamaxin, taas waxaa ka sii yaab badan kooxihii qalishubatada ahaa ee ay qurbaha ka samaysteen oo weli dadkii boobaya siiba dumarka iyo waayeelka.

 

Haddii aynu nidhaahno nimankan budhcada ah xumaantooda dadka ha loo sheego lama soo koobikaro waa (Dundumo Dhoobo ka Dhaq), Hulqoow maantana

Maxaad odhan, saacadii timaadaba haddii xumaantiina marageedu soo baxayo, shaabka SSC inaad cadow u loogteena ay cadaatay in aad walaalihiin iyo SNM u wareegtaan inta aan shacabku ilkaha idin ku cunin ileen wax nafta idinka siiba idiin quudhimaayaane sida aad u silciseen bay idiin silcindoonaan maalin maalmaha ka mid ah.

Guul iyo Gobanimo

Eng. Maxamud caydiid Dirir

London

Ogow: Ceegaag Masuul kama aha Figrada Qoraalka ee waamid ku kooban Qoraaga ku Saxeexan.

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com