Ardayda Caafimaadka ka barata Dugsiga Kal-kaaliyaasha Caafimaadka ee magaaladda Hargeysa ayaa maant Mudaharaad Balaadhan ka dhigay Magaalada Hargaysa ee Xarunta Maamulka somaliland ardaydaasi ayaana
Maanta ka Mudaharaaday kadib Markii Wasaarada Caafimaadku soo Jeedisay Qorshe ah inay Qaarkamid ah Ardaydaasi ka Qaado Imintixaan lagu kala saarayo oo Wasaaradu soo Jeedisay.


Ardayda oo dhan 200 ayaa la sheegay wasaaraddu inay dalbatay 50 ka mid ah si ay Imtixaan uga qaado hase yeeshee waxa ay Halkaasi Markii Danbe ka dhacay Mudaharaad Balaadhan oo Watay Rabshado Waxana Ciidama Booliska Magaalada Hargaysa ardaydaasi u adeegsadeen Rasaas Xoogan oo lagu kala Caydhinayey ardaydaasi Maanta Halkaasi ka dhigay Mudaharaadka Balaadhan.


Wariyaasha ay Ciidamadu garaaceen ee ay xidheena waxa ka mid ahaa:- wariye Nimcaan oo ka tirsan “Horn Cable Tv”, Xasan Aadan Qalinle oo katirsan Saxafiynta Maamulkaasi ka Hawl gala, Waxan Xariga iyo Jirdilka Wariyaashani Ku soo Beegmayaa iyadoo Khilaaf Xoogani ka dhex aloosan yahay Saxaafada iyo Xukuumada Madaxwane Siilaanyo.

Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle