shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mudaharaad Looga soo horjeedo Madaxwayne Puntland Hadal ka soo baxay oo Dhahar ka dhacay Maalintii Labaad

(Dhahar, November 10,  2010 Ceegaag Online)

Mudahaarada Balaadhan ayaa Maalintii labaad dhacay Magaalada Dhahar ee Xarunta Gobolkaasi Sanaag Mudaharaadkaasi oo Loogu soo Horjeedo Hadal Dhawaan Saxaafada uu ka Siidaayey Madaxwaynaha Dawlada
Puntland Dr C/raxmaan Faroole oo ku Sheegay in wadadk loo yaqaanno Atam ee ka dagaallama buuraleyda Galgala uu ku Dhuumaalaysanayo Deegaano katirsan Gobolkaasi Sanaag oo Hogaamiya Ciidamada Puntland ka Awood Roonaateen Halkaasi Gaadhay.


Muddaharaadkan oo ay isugu soo bexeen dhammaan bulshada ku dhaqan magaalada Dhahar iyagoo muujinaya inay aad uga Xun yihiin Hadalka Madaxwaynaha Puntland ka soo Yeedhay Waxayna Dadwaynaha Degmada Dhahar Mudaharaadkooda ku sheegeen inay aanay Deegaano katirsan gobolka sanaag Wadaadkaasi soo Gali Madaxwaynuhu Hadalkaasi Raali galin ka Bixiyo.


Dhinaca Kale Wasiiro katirsan Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ayaa hadalkaasi Madaxwaynaha Puntland ka soo baxay kaga Jawaabay in aanay Deegaano katirsan Gobolka sanaag Hogaaminaya Sh Atam aanu soo Galin isla markaana Wadaadkaasi Kula dagaalamayaa Deegaanada Maamulka somaliland, Lama oga ilaa hada Goobta Wadaadkaasi ku sugan Yahay ee laga soo saaray Buuralayda Galgala oo ka soo Baxsaday.


Xuquuqda Sawirada waxaaiska leh: Laasqoray  www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com