shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Moryaanta Ciidanka dowlada  ee Hawiye ayaa isku haysta Degmada Xamar Weyne iyagoo ka dhigay Goob ay isku qaraxiyaan dadkana ay ku dilaan iskuna dilaan.

 

(Muqdisho, November 11,  2010 Ceegaag Online)

Moryaanta Ciidanka dowlada ee Hawiye ayaa isku haysta Degmada Xamar Weyne iyagoo ka dhigay  Goob ay isku qaraxiyaan dadkana ay ku dilaan iskuna dilaan  isla markaasna dhibaatada ay ku hayaan shacabka noqotay mid sii kororta Maalinba maalinka ka danbeeya .
  
Mooryaantaan qaska ka wada degmada Xamar wayne ayaa waxay ka kooban yihiin Ciidanka Dowlada kuwasoo Asalkooda Ahaa kuwii isbarooyinka joogi jiray oo ay la hayeen hogaamiye Koxeedyada kuwasoo shaqo ka dhigtay dhibaateenta dadka shacabka ah ee ku nool degmada Xamar weyne .

Mooryaanta ayaa isugu soo aruurtay degmada xamar weyne  dhamaantood kuwasoo kasoo caray Degmoyinka magaalada Muqdisho Goobaha ay ka taliyaan Kooxaha Shabaabka salkana soo wadda gashaday Degmada Xamar Weyne waxayna isugu Jiraan Kuwo Bolis inay yihiin sheegta  iyo kuwo Milatari inay yihiin sheegta  oo iswada yaqaan , dadka shacabka ah ayaa sacad walba waxa uu amaankooda ku  suganyahay qatar waa mar ay dadka dhacayaan iyo mar ay isdilayaan iyo mar ay siyasadaha Gobalka Banadir ee mooryaanimada ku dhisan ay madaxdooda ku  adeganayaan .
 
Dhibaatadan ka dhamaan La' Degmada Xamar Wayne ayaan weli waxba laga qaban  waxayna naqatay mid soo naqnaqta maalin walba  Habeen iyo maalin  waxaa xaqiiqo ah in weli aan laXalin Mooryaanta  Ciidamada dowlada kawada tirsan dowladda gaar ahaan kuwa kasoo kala jeeda Beelaha Hawiye ee kasoo wada Cararay Kooxda shabaab meelaha ay ka taliyaan .

Taliska sare ee Ciidanka dowladda ayaanu jirin cid isku Xilqaantay inay Arintaan wax ka qabtaan ee ku saabsan  Mooryaanta Ciidanka dowlada ay ku  dareen Hogaamiye koxeedyada ciidanka dowalda ,kuwasoo  dhibaatada ay ku hayaan shacabka iyo naftooda sidii wax looga qaban lahaa  iyadoo loo jeedo dhibaata ay isku hayaan dhexdooda dadkana ay ku hayaan  Gobolka Banaadir iyagoo isku weerara Saldhigyadooda iyadoo mararka qaar ay is weerareen rasaas dhexdooda ah iyagoo wadada maraayo .

Waxaad Mararka Qaar aad arkaysaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Boliiska Ama Milatariga oo sheganaayo darajo sare Sida Gashaanle Sare iyo wixii lamida ay daba socdaan isla Moryaantaas kawasoo lagu arkaayo Warbahinta sawaridooda ayagoo ladaba Tagan dhar kala jaad ah kuwo ay xiran yihiin dhar Ciidan  dacasna ay  kuwataan kuwana aysanba wadan dhar Ciidan oo ay wataan  macawiis iyo Qori Aaka ladaba kataganyihiin  sarkaalkaas isagoo Garaado garbaha kasoo buuxsaday  warbahinta ugu dharanaayo Kooxda shabaab isagoo  Awoodi wayay in ciidankiisa isaga ilaalada u ah inuu u ekaysiiyo Ciidan dowladeed oo uu mooryaanimada  kasaaro .

Degmada Xamar weyne ayaa waxaa isku heysta gacan ku heynteeda  Ciidan Mooryaan oo dhamaantood sheegto inay yihiin Ciidan dowladeed , kuwasoo u Sahlo inta badan inay kala waregaan kooxda shabaab Degmoyinka ay qaska ka kawadaan , Horayna ugu sahlay inta badan Degmoyinka Gobalka Banadir inay Qabsadaan Kooxda shabaab , waayo markii ay soo weraraan Ciidanka shabaab dhamaantood way kala Fakadaan dib dabna uguma soo noqdaan Goobtii laga Eryay.

Dowalad ay sarkiishooda Hogaankooda intooda badan xildhibaanadooda ay wada Mooryaan yihiin Ninkii doonaayo in uu  nidaam dowladeed ku hogaamiyo waxa uu la mid yahay nin in uu Abeeso koriyo rabo , ama boqno goosay ama ka baxsay Sheekh Shariif labadaas Marxaladood mid uunbaa sugayso inuu toosiyo mooryaan marna suuragal u naqan mayso Hiidii uusan dul dhigeen Shareecada Islaamka si ay ugu baqaan sharecadaas waana Mida kaliya Mooryaanta bahalnimada dhaftay dadka iyo dadka looga bad badin karo iyaga iyo madaxdooda dhiiga dadka ku qubaysto .

Xigasho:Calayaale

webmaster@ceegaag.com