shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Mid kamid ah Isimada Gobolada Puntland oo Boosaaso lagu dilay

(Boosaaso, November 21,  2010 Ceegaag Online)

Suldaan Ciisse Xasan Cumar

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland ayaa Habeenimadii Xalayto Waxaa lagu Dilay Mid kamid ah Isimada Gobolda Puntland oo Lagu Magacaabi Jiray Suldaan Ciisse Xasan Cumar,  Dilkaasi ayaana Xalay Waxa gobolkaasi ka Fuliyey Koox hubaysan oo aan Haybtooda la Garanayn.

Madaxda sar sare ee Puntland ayaa Canbaareyn dusha uga tuuray dilkii xalay loo geystay Eeba Ha u Raxmadee Suldaan Ciisa Xassan Cumar Waxayna Tacsi u Direen Eheladii iyo Qaraabadii uu ka Geeriyooday Suldaankaasi Xalay lagu Dilay Magaalada Boosaaso.

Dilkani Suldaanka ayaa siwayn looga Canbaareeyey gabi ahaanba Mandaqada Waxana Lagu Tilaamay Dil aan loo baahnay Xiligan oo ka dhacay Gobolka Waxaana Shacabka Magaalada Boosaaso siwayn uga Codsaeen Lamaaha Amaanka Boosaasi inay gacanta ku soo Dhigeen Cidii Dilkaasi ka danbaysa Suldaan Ciise Xasan Cumar.

Cali Dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
 

webmaster@ceegaag.com