shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxaa ka si ah guud aahaan siyaasada SSC

(Calgary, November 11,  2010 Ceegaag Online)

Acww
           Salaanta dusha ka dib waxaan maqaalka maanta ku eegi doonaa sababaha ay aniga ila tahay inay kalifeen ciladha ay mandaqada  SSC hore uga socon ladahay haday tahay shicibkeeda, siyaasiin isku sheegeeda, iyo cuqaasheeda.    Aqristow kadib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliyed
waxa qolo waliba ku tashatay inay shicibkeeda ka badbaadiyan masiibooyinka iyo colaadaha soo foodsaaray guud ahaan dalka. SSC, waxay lahayd siyaasiin iyo ciidamo   ku filan inay dhulkooda iyo dadkooda ku hantaan, Ilaahayse ma garansiin. si kastaba xaaladu ha noqotee waxay ragii  mandaqada u dhashay door bideen inay hoos tagaan SNM, oo iyada ujeedadoodu ahayd aarsi ciil gaamuray,iyo Somali ka carar. Waxase kadaraa oo runtii jebiyay SSC  wax ku darsigii SSDF oo ku dhisnaa khiyaamo iyo dano gaara oo soomali oo dhami dayro soo siisay, laakiin ku beer laxawsaday abtirsiinyo khiyaamo ka buuxdo iyo harti beena oo ay ku qaraabtaan markay la gasho. Waxa ragii wax lagu tirinayay ee u dhashay gobalada SSC u qaybsameen calooshooda u shaqaystayaal la jooga soomali diidka iyo kuwo lagu beer laxawsado abtirsiin aan daacad ahyn.
 
   Aqristaha sharafta lehow waxa umadii Ilaahay fajac ku noqotay caadifada qabiilka ee ninka reer Hargeysa iyo ka  reer Garoowe garteen waxa u diiday  hindida reer Laascaanood iyo buuhoodle ee dhooban dhulka aan ixtiraamka loogu hayn, iyo inay isweydiiyeen horta cidayn metelaan ee soo wakiilatay. sidaynu la wada socono waxaynu samaysanay Boocame1 & 2, mise wax walboo lagu heshiiyay meeshoodii baa lagaga dhaqaaqay. Waxa kolba dhinac loo yaaco waxay isugu soo urutay aasaaskii Hogaanka midaynta iyo badbaadada ee SSC oo runtii rejo badan u soo celisay Shacabka sharafta badan ee mudada badan dulmanaa. Ka rog oo laba saar ficilkii aynu isla naqaanay ee gudaheena maan joogin halkii lagu aasaaasay, laygama tala gelin, jagada sare la igama siin iyo ficil aan loo meel dayin ayuu hogaanku ka dhaqaaqi layahay, aniguna waxaan u arkaa in sida keliya ee lagu soo celin karo sharaftii dhulkaasi lahaa inay tahay in hogaankaa lagu wada daba faylo, cidii ina dhulkaa dan kalihina ay haday doonto doorasho u gasho marka la gaaro xiligeeda hogaaminta maamul goboleedka SSC( Ogow inaan laguu ogolayn inaad hargeysa iyo garoowe weligaa madaxwayne ka noqoto) markaa lama huraan waa caws jiilaal ee dhulkaaga iimaanso.  Xaga isimada waxaan oran lahaa waxa ina metala isimka dadkiisa dhex jooga ee la talada ah, ninka Garowe fadhiya ma aaminsani in talo laga sugo.
         Dhanka kale waxaa waajib ku ah dhamaan shacabka SSC, inaan caada qaate hargeysa garaamaad laga soo siiyo loo ogolaan inuu dhulka nabad gelyo ku dhex mara ileyn damiir celiya isagu ma laha e. Sidoo kale waaa inaynu ka baxnaa siyaasada diciifka ah ah ee jilibada ku dhisan mabdana isku raacnaa.
                       "UNITED WE STAND,DIVIDED WE FALL"
                     
                        Qalinkii Caynanshe Cabdirahman
                            Calgary,Canada
                           ainanshe2005@yahoo.ca

Fiiro Gaar ah: Figrada Qoraalku xabaar sanyahay waa tan qoraaga ku saxeexan ee kama turjumaso tan Ceegaag online.

webmaster@ceegaag.com