shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mashruuca ka wacyigelinta Bulshada Soomaaliyeed gudniin Fircooniga

 

(Soomaaliya, November 17,  2010 Ceegaag Online)

Waa maxay gudniinku? Gudniinku waa goyn la gooyo qayb ama gabi ahaan xubnaha taranka haweenka oo aan sabab caafimad ku salaysnayn. Una geysan kara qof-ka caafimaad-kiisa dhibaato weyn.

Sida ay hay’adda caalimaga ee caafimaadka (OMS,WHO) ay u kala qeexday, gudniinku waxaa uu u kala baxaa qaybaha kala ah:

Nooca 1-aad: Goyn la gooyo kintirka foodiisa hore ama dhamaantiis, (Suna).

Nooca 2-aad: Goyn la gooyo kintirka dhamaantiis iyo faruuryaha yar yar qayb ka midah, ama dhamaantoodba la jaro.

Nooca 3-aad: goyn la gooyo kintirka, faruuryaha yaryar, iyo faruuryaha waaweyn oo la gooyo layskuna tolo (Fircooni).

Nooca 4-aad: noocyada kale ee aan la qeexin waxaa ka mid ah, kintirka oo la dalooliyo, faruuryaha oo la xuubiyo ama cambarka oo dhir iyo caleemo isku xidha lagu shido.

Waxyeelooyinka ugu waaweyn ee uu ku keeni karo qofka shaqsi ahaan ama maskaxiyan gudniinku.

Dhibaatooyinka ka imaan kara isla markiiba waxaa ka mid ah:
• Xanuun aad u daran, maqaarka oo dhaawacma, miyir beel, iyo qofka oo geeri ku sigta.

• Dhiig bax, infekshen (Cagaarshow, teetano, aydhis iyo dhiiga oo sumooba). Waxayaalahaas oo keeni kara geeri.

• Kaadida oo gubta kuna ceshoonta.

Dhibaatooyinka ka imaan kara mustaqbalka:

• Caadada iyo kaadida oo ku xanuujiya.

• Infekshen gala tuubada ilma mareenka, kaadi mareenka, oo isu badali kara jeermis gala dhiiga, keenina kara dhalmo la'aan iyo dhimashaba.

• Dhibaato xoog leh oo ka iman karta kaadi haysta.

• Foosha oo dheeraata oo xanuun aad ahna leh, kuna keeni karta ilmaha iyo hooyada dhimasho (umul raac).

• Dareenka xubnaha taranka haweenka oo is dhima amaba ka guura.

• Xanuun daran oo lala kulmo xiliga galmada ama isu taga.

• Dhibaatooyinka adag ee uu ku keeni karo dhinaca caafimaadka maskaxda waxaa ka mida: Walaac, welwel, cabsi joogto ah, hurdo la'aan,buufis cuqdad nafsi, isku kalsooni la'aan iyo ku fikir is dilid.

Dhibaatooyinka gudniinka ka yimaada mala xalin karaa?

Waxaa jira qaliin dib loogu dhiso xubintii la gooyay, wuxuuna saamaxaa in dareenka qaarkiis u soo noqdo. Qaliinkaas oo aan loo badnayn waxaa mar walba weheliya daryeel loogu tala galay caafimaadka nafsada. Faahfaahin dheeri ah waxaad ka heli kartaan dhaqaatiirta dumarka (Jinikoloog) iyo umulisooyinka.

Adresskan la xiriir: UMULISO SARA KAHSAY TEL: 23016071.

Wadamadee ayaa laga gudaa gabdhaha?

Waxaa gabdhaha laga gudaa sideed iyo labaatan wadan oo Afrika ku yaala iyo wadamada carabta qaarkood sida Yaman, Cumaan. Ama wadamadda Maleeshiya iyo Indoniisiya.

Marka la qiyaaso dumarka gudan 5%, waxay ku nool yihiin Yurub, waqooyiga Ameerika iyo ustraaliya. Ayaga oo xisaabtoodu gaarayso 6,5 malyan xisaabtaas waxaa ku jira ILAA 8,000 oo ku nool wadanka Norway.

15 kii ilbidhiqsiba (second) Gabar ayaa aduunka lagu gudaa! Wargaysyada ka soo baxaya haya'da caalamiga ee caafimaadka “OMS, WHO” waxay qeexayaan in dumarka iyo gabdhaha la guday ee ku nool aduunka ay tiradoodu tahay 100 ilaa 140 malyan, waxaa kale oo hay'adu xaqiijisay in labo milyan ay khatar ugu sugan yihiin in la gudo.

Maxaa loola dagaalamayaa Gudniinka?

• Waa qalad in la yiraahdo diintaa ayaa na faraysa Gudniinka!

Diin faraysa in dumarka la gudo ma jirto. Gudniinku waa dhaqan ka horeeyay diinta islaamka iyo midda masiixigaba, waxaana looga dhaqmi jiray wadanka Masar xiligii Fircooniyiinta.

• Waxaa qalad ah in la yiraahdo Gudniinku taranka ayuu badiyaa!

Gudniinku taranka ma badiyo, wuxuu keeni karaa dhibaato caafimaad daro, sida dhimashada ilmaha iyo hooyada (Umul raac).

• Waa been in la yiraahdo gudniinku wuxuu celiyaa hamiga gabdhaha iyo xaasaska!

Gudniinku qof shaqsiyadiisa ma badalo. Xiriirka labada qof wuxuu ku dhismi karaa is aamin iyo isxushmayn.

• Waa qalad ah in la yiraahdo qofka gudani waa nadiif!

Gudniinku wuxuu sabab u yahay nadaafad daro ka dhalata xubnaha taranka oo keeni kara infekshen.

• Waa khalad in la yiraahdo hidaha iyo dhaqanka ayaa sharciga ka sareeya! Waa waajib in markasta sharciga la tix galiyo! Waxaa dhiiri galin leh dhaqamada wanaagsan ee hidaha iyo dhaqanka loo leeyahay oo kaamili kara caafimaadka sida naas nuujinta iyo dhabar ku xambaarka caruurta.

Sharciyada wadanka Norway maxay dhigayaan?

Wadanka Norway Gudniinku waa ka mamnuuc, qofkii lagu qabtona sharciga Norway wuxuu ku xukumayaa 3-8 sano oo xarig ah .

Afrika

Wadamada gudniinku uu ka mamnuuc yahay Afrika waxaa ka mid ah: Somalia, Djibouti, Eritrea, Ethiopia iyo Sudan. Sidoo kale, Burkina Faso, Afrikada dhexe, Ivory Cost, Djabuuti, Masar, Ghana, Guinea Conakry, Kenya, Niger, Senegal, Tanzania, Tchad iyo Togo .

Xeerarka caalamiga ah waxay dhigayaan:

• Ku dhaqanka Gudniinku waxa uu xadgudub ku yahay xuquuqda aas aasiga ee aadanaha.

• Xuquuqda uu qofku u leeyahay jirkiisa iyo xuquuqda uu leeyahay xiliyada isu taga.

• Qofku waxa uu xaq u leeyahay inuu helo caafimaad fiican.

• Waxaa mamnuuc ah in lagu dhaqmo wax dhibaato halis ah u keeni kara qofka beni aadanka ah. Ayada oo la tix galinayo xaquuqdaas kala duwan wuxuu caalanku isku raacay:

• In caalamka laga tix galiyo xuquuqda aadanaha (Paris 1948).

• In caalamka laga cirib tiro ku dhaqanka cunsirinimada, kala soocida, iyo xaqiraada haweenka (New York 1979).

• In la tix galiyo xuquuqda caruurta (New York 1989).

• In la tix galiyo xeerka Afrika u yaala ee xaq dhawrka umadaha iyo xuquuqda aadanaha.(Nairobi, 1981).

• In la tix galiyo xeerka Afrika u yaala ee xaq dhawrka caruurta (Adis-Ababa1990).

• Tix galinta sharciyada xeerarka Afrika u yaala ee xaquuqda aadanaha umadaha iyo gaar ahaan dumarka (Maputo 2003).

• Tix galinta xeerarka Yurub u yaala ee xuquuqda aadanaha (Rome 1950).

Waxaa idiin soo diyaariyey:
Afrikansk helse og Sosial utviklings Organisasjon.

Abdi A Gele (MPH, PhD cand)
Iyo
Julia Mbalilaki (PhD)
 

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com