shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwene Ku Xigeenka DG P Mud.C/Samed Cali Shire oo Tacsi u Diray Laba Suldaan oo Geeriyooday

(Gawoowe, November 21,  2010 Ceegaag Online)

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Goboleedka Puntland ahana sii hayaha xilka madaxweynaha Gen. C/Samed Cali Shire ayaa maanta 21/11/2010, tacsi u diray eheladii  qaraabadii asxaabtii iyo umadda reer Puntloand uu ka geeriyeedoay Suldaan Ciise Xasan Cumar oo  habeenidii xalay oo sabti ahayd lagu dilay magaalada Boosaaso, madaxweyne ku xigeenka ayaa Suldaan Ciise Xasan ku tilmaamay inuu ahaa nin nabad jecel oo ka shaqeeyey horumarka ay Puntland ku talaabsatay, wuxuuna ilaahay uga baryey inuu janadii fardawsa uu ka waraabiyo samir iyo imaana ilaahay ka siiyo eheladiisa.
 
Mudane Cabdi Samed Cali shire ayaa dhamaan ciidamada amaanka ee dawladda Puntland ugu baaqay inay sugaan amaanka dadka waxtarka u leh bilshada, isagoo madaxweyne ku xigeenku ku nuuxnuuxsaday inaysan ka hadhayn cidii ka damabaysa dilka Suldaan Ciise Xasan Cumar.
 
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahana ku simaha xilka madaxweynuhu waxa uu sidoo kele uga mahad celiyey bulshada reer Garoowe sidii ay soo dhaweeyeen toddobaadkii hore markuu soo gaaray caasimada Puntland oo uu ka maqnaa muddo afar bilooda.
 
 
Sidoo kele mudane C/samed Cali Shire madaxweyne ku xigeenka ahna  ku simaha  xilka madaxweynha PL waxa uu tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Suldaan Xasan Xaaji Cabdi Baale oo toddobaadkii hore ku geeriyooday degmada Qaloocan ee gobolka Wardheer ee kililka shanaad ee dalka ethiopia.wuxuna xusay inuu suldaal Xasan Xaji Cabdi baale uu ka mid ahaa isimada soo jireenka ah aadna looga yaqaanay Puntland iyo bariga Itoobiya, eebe waxa uu uga baryey inuu naxriistii jano ilaahay ka siiyo.

Sidoo kale shabakada wararka ee ceegaag ayaa tac si u dirasa dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeryooday Suldaan Xasan Xaaji Cabdi Baale waxaanu na ilaahay uga baryanaainuu Janadii geeyo samir iyo iimaana ka siiyo eheladiisii oo hatan ku firirsan dafaha dunida. Waxaaan si gaara tacsi ugu diranaa Tafiirta Suldaanka ee ku dhaqan magaalada Boston.

 www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com