1. Maamulka Puntland ayaa Maanta Sheegay in Xiriirkii ka dhaxeeyey Dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka puntland oo Xiriirkii Wada shaqaynta Labada Maamul uu haatan yahay Mid aad u Liita isla Markaana Waxa Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dawlada Puntland islamarkaasna uu Warbaahinta
    Madaxtooyada ugu akhriyey Wasiirka Tastuurka & Arimaha Federaalka ee Puntland Cabdi Xassan Jimcaale oo ahaa Sidan.


    1-Puntland Waxay Walwal ka qabtaa Fulin la’aanta Ama Dhaqangelin la’aanta Heshiiskii Gaalkacyo (Galkayo Agreement) 23-Aug-2009.

    2-Puntland Waxay sidoo kale ka walalsantahay Rabi taan la’aanta ay TFG-du ka caga jiidayso Dhamaystirka Qabyo Qoraalka Tastuurka Federaalka oo Dawlada TFG-du aad Moodid inaysan Raali ka ahayn in Dalka lagu soo dabaalo Habka Gobolaysiga (Federalism).

    3-Puntland Waxay ka argagaxsantahay Isqabqabsiga & Muranka soo noqnoqda ee aanan marna soo afjarmin ee Dhexmara Had iyo jeer Hay’adaha Dawlada Hadii ay ahaan lahayn Hay’adda Sharci dejinta (Baarlamaanka) & tan Fulinta oo uu Madaxweynuhu madax ka yahay taas oo Calaamatul-Su’aal saaraysa Wax ku oolnimada Dawlada TFG.

    4-Puntland Waxay si aad ah uga walwalsantahay Dhaqanka Taban (Qariban) ee ay TFG-du Had iyo Jeer kula dhaqanto Puntland marka laga hadlayo Arimaha Hor’umarka,Siyaasada,Bulshada,Dhaqanka & Dhaqaalaha ee la xiriira Masraxa Siyaasadeed Iyagoo markasta Afka ku haya Saraakiisha sarsare ee la shaqaysa Hay’adaha Caalamiga ah una caga juglaysa Markasta Diblamaasiyiinta sida,Denjireyasha (Safiirada)Qunsulada IWM ee isir ahaan kasoo jeeda Puntland.

    5-Puntland Waxay aad uga xuntahay Maqaalkii uu wakiilka Madaxweynaha TFG uu ku qoray Wargayska (The Huffington post) Cadadkiisuna soo baxay 5,Nov,2010 Taas oo uu ku dhaleeceeyey Siyaasada Maraykanka ee la ay Wadashaqeynta dhow kula yeelanayso Maamulada Puntland & Somaliland.

    6-Puntland Waxay sidoo kale Walwal ka muujinaysaa Taageerada & Marti gelinta shaqsiyaadka ehelka u ah Qarbudaada kuwaas oo Had iyo jeer ku haminaya Amaanka Puntland & kan Mandiqada oo dhan.


    Go,aankani Maanta ka soo Baxay Maamulka Puntland ayaa ku soo Beegmaya iyadoo Caawa lagu Dhawaaqay Golihii Wasiirada Xukuumada somalia Ra’iisul Wasaaraha Dawlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu soo Dhisay, lama ogaankaro Jawaabta ka soo Bixi Doona Dhinaca Dawlada somalia ee Go,aankani ku aadan.


    Cali Osman Yuusuf
    Ceegaag.com
    Buuhoodle