shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwayne Siilaanyo oo safar ku tagay Adis-Ababa dalka Itoobiya.

(Hargeysa, November 17,  2010 Ceegaag Online)

 

Madaxwaynaha Somaliland  ayaa u dhoofay wadanka aynu dariska nahay ee Itoobiya, Socdaalka Madaxwayne Siilaanyo ku tagay Itoobiya isaga oo cod aqlabiyad ah ayku doorteen reer Somaliland ayaa soo afjaraya rajo dadbadan oo laga qabay inuu ka leexdo wadada Siyaasiyiinta Soomaalieed oo hadii aysan iska xaadarin dalka Itoobiya Itoobiya ka xayuubiso xilka.

Madaxwaynaha  ayaa safarkiisa waxaa ku weheliya Marwadiisa, wasiirka qorshaynta qaranka, wasiirka arimaha gudaha,  Xoghayaha Golaha wasiirada, iyo madaxa Habmaamuuska ee aqalka Madaxyooyada.

Siilaanyo ayaa la filayaa marka uu dhamaysto safarkiisa uu ku jooga caasimada  Adis Ababa  inuu usii mijobaxsado safar dhinaca Caasimada  London, boqortaayada wadanka Ingiriiska.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com