shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska(UK) oo ku guulaystay siidaynta Paul and Rachel Chandlers 

 

(Muqdisho, November 14,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa afduubkii loo haystay laga siidaayay saakay lamaanihii Ingriiska ahaa ee Paul iyo Rachel Chandler kuwaasoo 23-Oktobar ee sano hore afduubteen burcad-badeed Soomaaliyeed kuwaasoo ilaa xilligaas ku haystay goob ku taal gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Paul iyo Rachel Chandler ayaa kasoo duulay saakay magaalada Cadaado, iyagoona soo caga-dhigtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho maanta duhurkii.

Diyaarad yar oo siday Lamaanaha u dhashay wadanka Ingiriiska ee mudada lagu heystay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug kana soo kicitintay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa duhurnimadii maanta ka soo degtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyadoo loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada.

Inta diyaarada ay saarnaayeen lamaanahaasi aysan ka soo degin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa jirtay diyaarad kale oo garoonka ka soo degtay taasi oo la sheegay in ay la socdeen ehelada lamaanaha Ingiriiska. Markii lamaanaha laga soo dajiyay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxa la saaray gaadiid ay leeyihiin ciidamada AMISOM, iyadoo xiligaasi kadibna loo dhaqaajiyay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkaasi oo ay ku sugayeen Ra’iisul wasaaraha dowladda Max’ed Cabadullaahi iyo gudoomiayaha Barlamanka. Markii la geeyay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa halkaasi waxaa ay kulan kula qaateen Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Max’ed iyo Gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Shekh Aada.

Ugu horeyn ayaa Ra’iisul wasaaraha oo halkaasi ka hadlay waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay sii deynta Lamaanahaasi, waxaana uu tilmaamay in dowladda KMG Soomaaliya ay qeyb ka aheeyd dadaaladii lagu sii   deynayay lamaanahaasi.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana uu sheegay in ay aad ugu xunyihiin mudadii halka sano aheeyd ee Lamaanahaasi ay ku afduubnaayeen dalka Soomaaliya, isagoo carabka ku dhiftay in wax lagu farxo ay tahay dib u helida xoriyadooda.

Paul and Rachel Chandlers oo iyana halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa waxaa ay sheegeen inay aad ugu faraxsanyihiin sii deyntooda, waxaana ay u mahad celiyaan cid waliba oo gacan ka geysatay sidii ay xoriyadooda dib ugu heli lahaayeen.

Saacadaha soo aadan ayaa la filayaa Lamaanahaani in ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda Magaalada Nairobi ee xarunta dala Kenya.

Daawo Sawirada

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com