shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Kulan Balaadhan oo Maanta ka dhacay Deegaanka Maygaagle oo Ergooyinkii iyo Isimada Cuqaasha Waxgaradka Buuhoodle Isku Arkeen

(Maygaagle, November 22,  2010 Ceegaag Online)

Kalmadii Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil Dhagayso

Magaalada Maygaagle Waxaa Maanta ka dhacay Kulan Balaadhan oo ay ka soo Qayb galeen Dhamaan Isimada Cuqaasha Culumada Diinta iyo Qaybaha kala Duwan ee Bulshada Gobolka Cayn iyo Ergoyinkii ka socday Dhinaca Waqooyiga Soomaaliya oo iyagu Todobaadkaniba ku sugnaa Magaalada Qorulugud si ay Beesha Bariga Burco uga Qanciyaan Dhibaatadii ka dhacday Deegaanka Kalshaale Isla Markaana Wada Xaajoodyo ugu furilahaayeen Beelaha Bariga Burco iyo Beesha Deegaanka Buuhoodle oo Dhibaatada sababtay isku dhackeenay Dhimasho iyo Dhaawac  dhexmaray labadan beeloodee walaalaha ah.


Ugu Horayba Waxa Goobta Wadahadalka ka Hadlay Caaqil Abdi Nuur Diiriyey oo kamid ah Salaadiinta iyo Cuqaasha Waftiga Waxa uu Halkaasi kaga Dhawaaqay inay Wadahadaladii iyo Xasilintii Nabada ee ay u joogeen Deegaanka Qorulugud Beesha Bariga Burco ka Aqbashay isla Markaana ogolaatay inay Xabad Xoojin Rasmi ah Qaataan. Wadahadalna la galayaan  Beelaha Deegaanka Buuhoodle ee Dhibaatadu Dhexmartay, Reer Buuhoodlena uga baahan yihiin ka Wafti ahaan inay Nabada Dhinacooda Aqbalaan kuna soo Dhawaadaan Miiska Wadahadalka.

Kalmadii Caaqil Abdi Nuur Diiriye Dhagayso


 


Dhinaca Buuhoodle Waxa Markiiba Halkaasi uga Hadlay Cuqaal Tiro badan oo ku Dhawaaqay inay Nabada iyo Xabad Joojintaba ku Qaateen Waxaana Goobtaasi kaga Dhawaaqay Caaqil Abdilahaahi Xasan Qanbi iyo Nabadoon Xasan Ciise Wacays oo Sheegay inay Beelaha Deegaanka Buuhoodle Diyaar u yihiin inay Wada Xaajood iyo Xabad Joojinba la galaan Beelaha Deegaanka Bariga Burco.

Kalmadii Caaqil Xasan Ciise Wacays Dhagayso

Kalmadii Caaqil Cabdulaahi Xasan Qambi Dhagayso



Ka Dhagayso Shabakada Wararka Ceegaag.com Khubadihii ay Halkaasi ka soo Jeediyeen Ergooyinkii Maanta Shirkaasi ka Qayb galay oo Khudbado farabadan Halkaasi ka soo Jeediyey

 

Nala dhagaysta qudbadihii kale ee laga soo jeediyay Goobta

Kalmadii Caaqil Cabdi Faarax Nuur  Dhagayso

Daawo Sawirada

Caaqil Hindi Maxamed Caws



Cali Dhagjar
Ceegaag.com
Maggaale
 

webmaster@ceegaag.com