shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Koox diimeedka Ahlusuna waljamaaca oo albaabada u laabay Idaacada Caabudwaaq

 

(Caabud-waaq, November 18,  2010 Ceegaag Online)

maamulka degmada Caabudwaaq ee hoostaga kooxda la baxday Ehlu suna ayaa ayaa galabta xanibaad kusoo rogay idaacada magaalada Caabudwaaq. Wararka ayaa sheegaya in idaacada ay xireen ciidamao ka tirsan maamulka Caabudwaa ka dib markii ay galabta amreen in hawada laga saaro idaacada. Idaacada Caabudwaaq ayaa siideynjirtay baraamij iyo warar kaladuwan oo ay dadweynuhu dhegeysan jireen, lamana ioga sababta idaacadaasi loo xidhay.

Wariyaasha idaacada ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in idaacadu hadda densan tahay laguna amray in la joojiyo shaqada. Dhowr maalmood ka hor ayaa idaacadaha Galgaduud lagu amray in aan la ogoleyn wararka ku saabsan maamulka Ximan iyo xeeb ee degmada Cadaado. Waxaa sidoo kale horey looga mamnuucay muxaadarooyinka qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ay idaacaduhu siideyn jireen.

Tani waa talaabadii labaad oo lagu soo rogo warbaahinta degaankaasi mudo ka yar hal toddobaad gudihiis. Tifatirihii idaacada Caabudwaaq C/kariim Axmad Bulxan ayaa horey ay u xireen ciidamada maamulka Caabudwaaq inkastoo maalmo ka dib la siidaayey.

webmaster@ceegaag.com