shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Islaan Ciise Islaan Maxamed  oo ka meermeeraystay inuu ka runsheego dhibaatada ay dawlad Goboleedka Puntland dhex muquuranaso

(Garoowe, November 17,  2010 Ceegaag Online)

 

Midkamida Hogaamiyo dhaqameedyada ugu tunka waawayn bessha Hartiyeed waa Islaan Ciise Islaan Maxamed  ayaa shalay dadka ugu yeedhay inay xaqa u qumaan isagoo sabab uga dhigay in ay tahay wadada kaliya ee ay uga badbaadi karaan afaada galaafatay Soomaaliya dhineceeda Koonfureed.

Sidoo kale Islaanka waxaa hadaldiisii kamid ahaa ‘Nabada halaga shaqeeyo ayaa intaa la leeyahay, niman waligii arag meel salaad ciid lagu tukanayo oo damcay in uu tukado maalin ciida ayaa laga hayaa xagee salaadu iska qabsan la’adahay, xagee wax iska qabsan la’ayihiin’,

Islaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay in dib loo nooleeyo wada shaqaynta shacabka iyo dawlad goboleedka waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ‘Dawladu waxbaa loo igmaday,dadweynaha door ayay leeyihiin cidkasta waajib ayaa saaran,gacmo wadajir ayay wax ku gooyaan,walaalkaygiyow taydu ii toostay taada ka qaday.war dowladay waxaan idin ka rabno aan idin ka helno naga yeeli mayso haday taasi dhicin waxaad abaarta noogu leedahay naga heli mayso’.

Su’aasha is waydiinta mudan ayaa ah sideebay wax u hagaajin kataa dawlad iyadu ka danbaysa burburka soo gaadhay dawlad gobaleedka Puntland  iyada oo aan awooda laga xayuubin dadka sababay daruurta Hogosha Colaadeed ah ee dul hoganasa Dawlad goboleedka. Dadkaa oo wali sii wada   Dabinada, dibindaabyada, iyo dabargoynta shacabka reer  Puntland.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com