shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Iska Horimaad Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacay Deegaanada Sarmaanyo iyo Taleex

(Sarmaanyo, November 20,  2010 Ceegaag Online)

Wararka naga soo gaadhay Deegaanka Sarmaanyo oo dhinaca nugaasha kaga beegan magaalada Laascaanood ayaa ku soo Waramaya in Maanta galinkii hore deegaano katirsan Sarmaanyo iyo Taleex Weerar lagu Qaatay Koox Dhuxulaysato ah oo Deegaankaasi mudooyinka ka Waday Xaalufin iyo olole Balaadhan oo dhirta  deegaanka lagu cidhib tirayo.

Khasaaraha Dagaalkaasi ayaa sababay ugu yaraan 2 Ruuxi oo Dhimasho ah iyo 5 Kale oo Iska Horimaadkaasi Maanta ku Dhaawacmay, Waxana Kaloo soo Baxay Warar aan la Xaqiijin oo sheegaya in Raggani ka Madaxbanaayeen gabi ahaanba Gubista Dhuxusha Deegaankaasi Mana jiraan Warar Madaxbaan oo Weerarkaasi Sabaha ka danbeeyey noo Xaqiijinaya.

Waxana Deegaankaasi Maanta Dhibaatadu ka dhacday ku sii Jeeda Ergooyin badan oo ka kala tagay Magaalooyinka Garowe Laascaanood iyo Tukaraq oo Xiisadaasi ku Guulaystay inay Dejiyaan Ergooyinkaasi oo ka soo Jeeda Waxgaradka Deegaankaasi Dhibaatadu Maanta ka dhacday.


Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com