shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Isimada Gobolka Cayn oo ku Dhawaaqay Gudi Loo Xilsaaray dajinta iyo nabadaynta Xiisada Kalshaale iyo Danaha deegaanka Buuhoodle oo ka kooban 33 Xubnood

(Buuhoodle, November 19,  2010 Ceegaag Online)

Warbixinta waxa Goobta ka Akhriyay Suldaan Siciid iyo Garaad Saleebaan Dhagayso

Gudigan ayaa ka kooban 33 Xubnood oo ka kooban Dhamaan Beelaha Dega Gobolka Cayn Waxan Gudigan Gudoomiyey looogu Doortay Maxamuud Xaaji Cumar oo kamid ah Waxgaradka Deegaanka Buuhoodle Waxan kaloo GudiganI Laga Dhex sameeyey Gudiyo farabadan oo loo kala Qaybiyey Xaalada haatan kataagan Deegaanka Buuhoodle, Waxayna Kala Yihiin Sidan.


1 Gudoomiyaha Gudiga Maxamuud Xaaji Cumar
2 Gudoomiyey Kuxigeenka Caaqil Cali Abdi Cali(Cali dahable)
3 Xoghaynta Sh Mubaarag Sugule Boqore.

Gudiga Dhaqaalaha Loo Xilsaaray

Gudoomiyey Caaqil Axmed Diiriyey Jiinje
Khasnajiga Dhaqaalaha Gudiga Axmed Cabdi Cawad(Koofiyad)
Xisaabiyaha Gudiga MaxamedYuusuf Xasan(Fayax).

Gudiga ayaa Maanta Waxaa ku Dhawaaqay Isimada Gobolka Cayn ugu Horeeyo Garaad C/laahi Garaad Soofe Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo Garaad Saleebaan Buraale adan Waxayna Isimadu sheegeen in Gudigan Loo Magacaanay Danaha Gobolka Cayn iyo Xaalada Haatan ka taagan Guud ahaan Mandaqada, isla Markaana la farayo Dhamaan Jaaliyada Dibada ee SSC inay Gudigaasi kala soo Xidhiidhaan Xaaladuhu halka ay Marayaan.

Isimada ayaana intaasi ku Daray inaanay Jirin Gudi Kale oo loo Xilsaaray Colaadan haatan ka jirta Deegaanka Waxan Kaloo Isimadu Sheegeen inay Gudigaasi Isu Qaybiyeen Qaybo faraban oo aan Saxaafada Loo soo badhigi karin Wata shaqooyinkii loo Diray, ka Isimo ahaana Garab taagan yihiin Waxgaradkaasi ka kooban Dhamaan Beelaha Dega
Deegaanka Buuhoodle(Warbixinta Isimada oo dhan ka dhagayso Ceegaag.com




Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com