shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Isimada, Cuqaasha iyo Culumada Buuhoodle oo Wata Kulmadii ugu danbeeyey iyo Ergooyin badan oo gobolka soo gaadhay.

(Buuhoodle, November 25,  2010 Ceegaag Online)

Iyadoo Maalinta sabtida ah loo Balansan yahay in Deegaanka Maygaagle uu ka furmo Wajigii Labaad ee Dhex Dhexaadinta Beelaha ka soo kala Jeeda Deegaanka Buuhoodle iyo Bariga Burco ayaa dhinaca Kale haatan Waxa gobolka Cayn ka soconaya diyaar garow Balaadhan oo shirkaasi loogu jiro sidii uu furmi lahaa.

Isimada, Cuqaasha, Culumada iyo Qaybaha Kala duwan ee Bulshada Buuhoodle ayaa wata kulamdii ugu danbeeyey ee Qaabkii shirkaasi uga furmi lahaa deegaanka maygaagle waxana guud ahaan Waxgaradka Buuhoodle Wadaan  inay diyaariyaan Dhaqaalaha shirkaasi ku baxaya gaar ahaan xoolaha oo ah laf dhabarta shirkaasi maadaama waxgaradka buuhoodle balan qaadeen inay bixinayaa sooryada iyo kharashka shirkaasi ku baxaya.

Sidoo Kale Waxgaradka Buuhoodle ayaa wada inay soo Xulaan 25-ka Xubnood ee laga Dhaarinayo deegaanka buuhoodle maalinta sabtida ah,guud ahaan waxgaradka buuhoodle ayaa  ku jira dadaal xoogan saacadihii ugu danbeeyey Waxana gobolka soo gaadhay Ergooyin farabadan oo ka kala yimaada gobolada Dalka.

Cali Dhagjar

Buuhoodle



 

webmaster@ceegaag.com