Xarunta Jaamacada Nugaal Universatay Waxa lagu Qabtay Kulan Balaadhan oo ka soo Qayb galeen Dhamaan Ardayda Dhiga Jaamacada Nugaal ee Magaalada Laascaanood Kulankaasi oo ahaa Mid aad loo soo agaasimaya ayaa Waxa ka soo Qayb galay Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal Prfaysar C/risaaq Maxamed Adan (Lafoole) oo ah Gudoomiyaha Jaamacadaasi Nugaal.


Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal Uu sheegay Gudoomiyihi in uu ka qayb galay shir balaadhan oo ka dhacay Wadanka ESPAN kaas oo ay iskugu yimadeen ku dhawaad 1,000,000 Kun Jaamacadood oo caalamka ah isla markaana ay Jaamacada Nugaal Universtiy Ka mid ahayd,sidoo kale wuxuu sheegay in N-U ay ku fadhiday magaca Somalia-

waxaa kale oo Uu Sheegay in Jaamacada nugaal Laga aqoonsaday Wadamadii uu Tagay isla markaana ay ku jirto liiska jaamacadaha Aduunka,

Gudoomiyaha ayaa warbixintiisa kadib waxaa su’aalo laga waydiiyey Safaradii uu ku maqnaa iyo waxyaabaha uga soo qabsoomay mar la waydiiyey Ardayga Jaamacada Nugaal ka tirsan ma aqoonsanyihiin Jaamacada Wadamii aad safarka ku tagtay?


wuxuuna ku jawaabay, Jaamacada Nugaal waxay ku jirtaa Liiska Jaamacadaha Caalamka Hadana ardaygii ka tirsan Jaamacada nugaal wuxuu awood u yeelan karaa in uu jaamacadaha reer Yurub iyo kuwa Maraykankuba aqoonsadaan isla markaana uu yhay Jaamaci ka tirsan jaamacadaha caalamka,

isku soo wada duuboo dareenka dadkii ku sugnaa Hoolkaas ayaa ahaa mid farxadi ku dheehantahay isla markaana ku faraxsanaa safarka uu Gudoomiyaha jaamacada Nugaal Universatiy ku kala bixiyey qaaradaha YURUB iyo AMerica,


Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle