shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudigii Dhex Dhexaadinta oo Maanta Booqday Baliga Kalshaale iyo Wararkii ugu danbeeyey

(Klashaale, December 01,  2010 Ceegaag Online)

Iyadoo Maalintii shalayto Deegaanka Maygaagle laga Dhawaaqay Gudiga ka kooban Saddex Qaybood oo isugu jira Beelaha ka soo kala Jeeda Buuhoodle Bariga Burci iyo Gudiga Dhex Dhexaadinta oo tiradoodu gaadhayso 65 Xuboo oo ka 40 kamid ahi labada Beelood ka soo kala Jeedaa kana Doodi Doonaan lahaanshiiyada Baliga Kalshaale iyo Deegaano badana oo Labadani Beelood ku muran san yihiin, ayaa Dhinaca Kale si Howshaasi haatan loo Bilaamo Gudiga dhex dhexaadintu Maanta gaadhay Baliga Kalshaale oo ah Goobta uu dhawaan Dagaalku ka dhacay.
 
 
Gudigaasi oo Hogaaminayey Gudoomiyaha Gudiga Dhex Dhexaadinta Suldaan Cismaan Suldaan Cali ayaa kormeer ku tagay Baliga Kalshaale oo labada Beelood ku muran san yihiin iyo Deegaano Badan oo Maleeshiyaadka Bariga Burco lagu sheegay inay Ciidamo farabadani soo Dhoobeen, Waxana gabi ahaanba Baliga kalshaale Waftigu ku soo arkeen Cidla iyadoona laga Qaatay Dhamaan Ciidamada Beeloodyadii Deegaankaasi isku horfadhiye oo labada Beelood Ciidamadii si rasmi ah u kala Direen Kadib Dhaartiin ka dhacday Goobta Madashada shirka ee maygaagle.
 
 
Waxana haatan lagu Wadaa inay Bilaabaan Kulamadii Dooda oo labada Beelood isku arki lahaayeen kagana Doodi lahaayeen Baliga kalshaale, Waxana lagu Wadaa in Maalinta Barito ahi ay Ergooyinku Goobtaasi isku arki Doonaan kagana Hadlayaa Qaabkii Wagiga Saddexaadi u furmi lahaa, inkastoo Beesha Buuhoodle Gudiga Arimahaasi loo Xilkaasay soo Jeediyeen inaanay Goobta tagay Hadii aan Baliga Kalshaale la, aasin taasi oo shirka ku noqon karta Mid adkaada hana Waxa haatan Shirku ku socdaa Rajadii Guusha.
 
Shabakada Wararka Ceegaag.com Kala Soco Wararkii ugu danbeeyey ee Mandaqada Guud ahaan gaar ahaana Shirka Maygaagle.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

 

webmaster@ceegaag.com