Kadib Markii Labadii Maalmood ee tagay Deegaanka Maygaagle kulamo Xiriir ah Deegaankaasi ku lahaayeen Isimada Cuqaasha iyo Waxgaradka Deegaanka Buuhoodle iyo Ergooyinkii ka socda Waqooyinka somalia ee u socday Daminta Colaad Dhawaan Dhexmartay Beelaha ka soo Jeeda buhodle iyo Bariga Burco ayaa Galabta Laga soo saaray Go,aamo ka soo baxay Madashaasi oo ahaa Qaabka shirku ku soconayo.
 
 
1 in Goobta Shirka Lagu Qabanayo laga Dhigo Deegaanka Maygaagle Maalintuna tahay Maalinta Sabtida ah.
 
2 in Labada Beelood laga Dhaariyo Xubno Gaadhaya 25  Xubnood Beeshiiba si Xabad Joojintu u dhaqan Gasho.
 
3 in Deegaanka Maygaagle Laga Qaado Maleeshiyaadka Beesha Bariga Burco loona Dhiibo Gudiga Dhex Dhexaadinta ah inta lagu Wadahadlayo.
 
4 Beesha Deegaanka Buuhoodle Waxay goobta ka sheegtay inay Bixinayso Dhamaan Dhaqaalaha ku baxay Kharashka Shirku inta uu soconayo Maadaama Goobta shirku ka dhacayso tahay Deegaanka Maygaagle
 
 
Go'aamadaasi Kadibna Waxa Deegaanka Maygaagle si Qurux badan galabta uga Caraabay Waftigii Ergooyinka oo halkaasi ka soo Jeediyey Mahad Celi Balaadhan Maalita Sabti ahna dib ugu soo laabanaya Deegaanka Maygaagle.
 
 
 
Cali Dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle