shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Garaad Abshir Saalax oo Ceegaag.com uga Waramay Shirkii Maanta ka Dhacay Degmada WidhWidh oo laga soo Saaray Najiijo Hordhac ah

(Widhwidh, November 02,  2010 Ceegaag Online)

Waraysiga Garaad Abshir Saalax ee Shirka Widhwidh iyo maanta Dhagayso

Degmada Widh Widh Maanta Galinkii Hore Waxaa ka dhacay Shir balaadhan oo ay Isugu yimaadeen Wafti Balaadhan oo ka socday Maamulka somaliland iyo Waxgaradka Degmada Widh Widh oo Hormuud u ahaa Garaad Abshir Garaad Saalax Maxamed oo Kamid ah Isimada Gobolada SSC, Waxana Maanta shirkaasi oo Qaatay Saacado badan looga hadlay Qodobo farabadan oo Khuseeya Dhinaca Amaanka iyo Ciidamada haatan ku sugan Magaalada Widh Widh Waxan kamid ahaa Qodobadaasi oo ahaa kuwa Hordhac ah.

1 In Ciidamada Maamulka Somaliland ee ku sugan Degmada Widh Widh laga Qaadon    Degmadaasi Widh Widh

2 in La Bixiyo Duunyada Dadkii lagu Dilay Dagaalkii ka dhacay Magaalada Widh Widh ee Ciidamada Maamulka somaliland Halkaasi ka Gaysteen.

3 in La Soo Daayo Maxaabiistii Lagu Qabtay Dagaalkaasi ka dhacay Degmada Widh Widh

Garaad Abshir Garaad Saalax oo Kamid ah Isimada Shirkaasi Maanta ka Qayb galay ayaana Shabakada Wararka Ceegaag.com Warkaasi Caawa u Xaqiijiyey Waxaana Garaadka uu sheegay in Wali Qodobadaasi iyo Kuwa kaleba loo Balansan yahay in laga Wadahadlo lana Qabtay Gudi farsom oo Arimahaasi ka soo shaqeeya oo ka kooban Wasiirada iyo Waxgaradka Degmada Widh Widh.

Garaad Abshir Garaad Saalax ayaana Meesha ka saaray in Beesha Barkad Doonayso inay Heshiis Gaar ah la Gasho Maamulka Somaliland Waxana uu Garaadku sheegay in loo baahan  yahay in la Raadiyo Waxkastoo oo looga Hortagayo Dhibaatada laguna Gaadhhayo Nabad Guud ahaanba Deegaanka, Garaad Abshir Saalax ayaana Waraysigiisan Fariin ugu diray Dadka ka soo Horjeeda in la Raadiyo Nabad Doonaya Dhibaatada.

Cali dhagjar

Ceegaag.com

Buuhoodle

 

webmaster@ceegaag.com