shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Ergooyinkii Nabad Raadinta oo lagu soo Dhaweeyey Duleedka Deegaanka Maygaagle(Daawo Sawirada Soo dhawaynta

(Maygaagle, November 22,  2010 Ceegaag Online)

Kalmadii Soodhaweenta waftiga oouu jeediyay Garaad Abdilaahi Garaad Soofe dhagayso

Kalmadii mahadcelinta oo uu jeediyay Suldaan Cisman Suldaan Cali Suldaan Madar dhagayso

Magaalada Maygaagle Waxa Maanta Galinkii Hore soo gaadhay WaftiBalaadhan oo ah Ergooyin Nabad Raadi ah oo Mudooyinka ku sugnaa Deegaanka Qorulugud Halkaasi oo Wadahadalo kula lahaayeen Waxgaradka Beesha Bariga Burco oo ku aadan Daminta Colaad Dhawaan Dhexmartay oo Beelaha ka soo kala Jeeda Bariga Burco iyo Gobolka Cayn.

Waftigaasi Ergooyinka ah ayaana Maanta Wax Duleedka Deegaanka Maygaagle uga Hortaya Isimada Cuqaasha Culumada iyo Waxgaradka Gobolka Cayn oo ku soo Dhaweeyey Duleedka Deegaanka Maygaagle Isimada Gobolka Cayn oo Hormuud u ahaa Garaad Abdilaaha Garaad Soofe iyo Isimada kale Waxana Waftigaasi Ergooyinka ah loo sameeyey soo Dhawayn Balaadhan.

Soo Dhawayntaasi Kadiba Waxa Saxaafada la hadlay Gudoomiyaha Waftiga Ergooyinka ee iyagu soo gaadhay Deegaanka Maygaagle Suldaan Cisman Suldaan Cali Madar oo goobtaasi ka sheegay inuu aad uga Mahad Celinayo soo Dhawaynta ay Isimada Gobolka Cayn u sameeyeen uga hor yimaadeen Duleedka Waqooyi ee Deegaanka Maygaagle.


Dhinaca Waxa Halkaasi ka Hadlay Garaad Abdilahi Garaad Soofe oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaanshiiyaha Waftiga Egooyinka Nabad Raadinta Waxna Garaad Abdilaha Garaad soofe Goobtaasi ka sheegay inay ka Buuhoodle ahaan soo dhawayn Wax kastoo nabad lagu Gaadhayo ka isimo Waxgarad ahaana Diyaar u yihiin Nabad la Qaadashada Beesha Bariga Burco ee Walaala yihiin.


Goobta uu shirku Maanta ka socday ayaa Waxa Amaankeeda aad u adkeeyey Ciidamada Maamulka Somaliland oo sheegay inay Colaada Labada Beelood ka yihiin Dhex Dhexaad isla Markaana ka shaqaynayaa Adkaynta Nabad Waxana Sarkaal katirsan Ciidanka Somaliland goobtaasi ka sheegay inaanay Cidna uga amar Qaadanay ka shaqaynta Nabad galiyada iyo Xasilinta.

Daawo Sawirada



Cali Dhagjar
Ceegaag.com
Maggaale
 

webmaster@ceegaag.com