Deegaanka Maygaagle oo Maanta Galinkii danbe uu ka furmaya Wajigii Labaad ee shirkii lagu Dhex Dhexaadinayey Beelaha ka soo kala Jeeda Deegaanka Buuhoodle iyo Bariga Burco oo Dhawaan Dagaalku dhexmaray Baliga kalshaale oo labada Beelood ku Muransan yihiin, Waxana Hoolka uu ka socdo shirkaasi Maanta Lagu Dhaariyey Xubnihii ay soo Xulee Labada Beelood oo gaadhaya Qolabada 25 Xuboo oo kala dhaariyey Maanta.
 
Suldaan Maxamed Xasan Bare oo ah Afhayeenka Gudiga Dhex Dhexaadinta ayaana ku Dhawaaqay Magacyada laga dhaarinayo Labada Beelood iska Markaana ka Codsaday inay yimaadaan goobta Dhaarka si halkaasi loogu dhaariyey Xubnahaasi Ka socda Beelaha Bariga Burco iyo Deegaanka Buuhoodle.

Magacyada oo uu akhrinayo Suldaan Maxamed Xasan Bare                     Dhagayso

 

 
Xubnahaasi ayaana lagu Dhaariyey Goobtaasi oo Tiradoodu Gaadhayso 50 Xubnood oo Qolabada kala soo Xulay 25 Xubnoo oo ka kooban Cuqaal Culumo Waxgarad kale oo Deegaanka Magacwayn ku leh Waxayna ku Dhaarteen inay sugayaa Nabadgaliyada Beelaha ay Matalayaa inta la gaadhayo Nabad Waarta kana shaqaynayaa Guud ahaan Islaaxa.
 
Dhagayso Magacyada Xubnaha Goobtaasi lagu Dhaariyey iyo Magacyadooda iyo Qaabka Halkaasi uga Dhacday Dhaartu oo Shabakada Wararka Ceegaag.com idiin soo Duubtay.

 
 
           Cali Dhagjar
           Ceegaag.com
           Maggaagle.