shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dugsi waxbarashada dadban oo laga hirgaliyay Degmada Ceegaag.

(Ceegaag, November 09,  2010 Ceegaag Online)

Dugsigan ayaa waxaa dhisay hay'ad mareykan ah oo lagu magacaabo US Mercy oo fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa ee  xarunta Somaliland waxaana laga bilaabay Barmaamij gaar ah oo Kor loogu Qaaday Waxbaarshada gaar ahaan luuqada English-ka, xirfado kale sida Computer-ka, hogaaminta barbaarinta iyo kobcinta garaadka.

                                        

C/rashiid Maxamed Cawl oo ah qabiir mudo 28 sanadood ah ka shaqeenayay xarumaha naafada iyo dhaqancelinta ee magaalooyinka Muqdisho & Hargeysa ayaa si rasmi ah  bilihii lasoo dhaafey ugu soo guurey Magaalada Ceegaag isagoo balanqaadey inuu wax badan ka qabandoono waxbarashada dadban ee Degmadaasi.

                 

C/rashiid ayaa hada si tabaruc ah uga howlgala school-ka waxbarashada dadban ee degmada Ceegaag isagoo ka dhiga luuqada English-ka, Xisaabta,  hogaaminta dhalinyarada da’doodu u dhaxeeso 15 -30.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com