shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Dr. Maxamuud Cumar Faarax (Indhobuur)  oo xalay geeryooday si heer qaran ahna loo aasay maanta.

(Muqdisho, November 24,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa maanta aas heer Qaran ah oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda loogu sameeyay magaalada Muqdisho Allaha u naxariistee Dr. Maxamuud Cumar Faarax (Indhobuur) oo ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya kaas oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Aaskan ayaa waxaa ugu horreyntii salaadda Janaasada lagula dukaday marxuunka masjid ku yaala xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, iyadoo ay dukashada salaadaasi janaasada ah kasoo qeyb galeen:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed, Guddoomiyaha golaha Baarlamanka Shariif Xasan Sh. Aaden, ku xigeenka 2-aad ee Afheyeenka Baarlamanka Axmed Dhimbil Rooble Casawe, R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, R/Wasaare ku Xigeennada, wasiirro, Xildhibaanno, saraakiisha Ciidamada qalabka sida, masuuliyiinta hay’adaha kala duwan ee dalka iyo Xubno kale oo aad u faro badan, waxaana salaadii janaasada aheyd dujiyay Madaxweynaha Soomalaiya Sheekh Shariif Sh. Axmed.

Markii la dukaday salaada Janaasada kadib ayuu madaxweynuhu u duceeyay marxuunka geeriyooday, isagoona Alle uga baryay in uu jannadii fardowso aheyd ka waraabiyo.

Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamanka iyo R/wasaaraha ayaa salaan sharaf xarunta Madaxtooyada uga qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidankla Xoogga dalka Soomaaliya, iyadoo markii dambe Meydka Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee dalka ay soo galbiyeen gaadiid faro badan oo ay la socdeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda waxaana duhurnimadii maanta lagu aasay qabuuraha Sheekh Suufi.

R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha Dibadda Mudane Maxamed C/llaahi Oomaar oo saxaafdda kula hadlay Xarunta lagu aasay marxuunka ayaa ka codsaday dhammaan ummadda Soomaaliyeed inay iska cafiyaan, isagoo tacsi u diray ehelladii uu ka geeriyooday marxuunka waxa uuna Alle uga baryay inuu jannada ka waraabiyo.

Sidoo kale xildhibaan C/naasir Gaarane Maxamed oo ka tirsan Xubnaha Golaha Baarlamanka islamarkaasna ehel la ah Guddoomiyihii Maxkamadda sare ayaa ka codsaday cid kasta oo deyn ku laheyd marxuunka inay isaga ku soo wargeliyaan si loo bixiyo deymanka lagu leeyahay haddii ay jiraan.

Sidoo kale mid ka mid ah ehellada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa saxaafadda u sharaxay taariikh nololeedka marxuiunka:

Taariikh kooban


Maxamuud Cumar Faarax “Indhabuur”, wuxuu ku dhashay degmada Luuq sanadkii 1946, waana xaasle ayadoo taariikhda waxbarasho iyo shaqo ay ahayd sidan:

Waxbarasho 1971: jaamacadda Al-Azhar, Qaahira Masar
Kulliyadda shareecada iyo qaanuunka.
1966: Dugsiga sare Jamaal Cabdinasir(Allah)
1962 : Dugsi hoose Dhexe Macadudiin
1956 : Barashada Quraanka Kariimka korunbood (Degmada Qansax Dheere)
Khibrad shaqo 2003-illaa-hadda Gudoomiyaha ururka sharciyaqanada Somaliyeed (SLS).

2003 wasiirka Garsoorka, Awqaafta iyo Arimaha Diinta.
1983-1990: Macallin kulliyadda Daraasaadka islaamka iyo luuqadda Carabiga (jaamcadda ummadda soomaaliyeed.)

1987-1990: xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka
1985: Agaasimaha guud ee wasaaradda Garsoorka
1983: Agaasimaha waxda tababarada iyo tirokoobka wasarada Garsoorka


1981: Gudomiye maxkamada Racfanka w. galbeed (hargaysa.)
1979: Garsoore maxkamadda sare
1975: Garsoore maxkamadda racfaanka G.Banaadir
1972: gudoomiyaha maxkamadda dagmooyinka Xarardheere iyo Hobyo

Tababaro

Lagasoo bilaabo 1972-2004 wuxu ka qeybgalay shirar calami ah iyo tababro, kuwo uu qaatay iyo qaar uu bixiyay intaba.

Luqadaha : Soomaali, Carabi iyo English

Hiwaayad.

Aqrinta buugaagta iyo joornaalada
Dhageysashada arrimaha siyaasada

Xirfadaha
Diyaarinta sharuucda
Hormarinta arimaha la xariira karsoorka
Isku keenida shareecada iyo qawaaniinta caalamika ah
Aqrinta tafsiirka quraanka kariimka ah iyo fiqiga.



Sawirada/Warbixinta: R/Muqdisho.

 

webmaster@ceegaag.com