shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dhul-Hijjah: Fursad muddan in laga faa’idaysto.

(Waxay bishu bilaabaneeysaa maalinta   AXADA  ah  ayna taariikhdu ku beegantahay 7 November 2010)

(Hargeysa, November 02,  2010 Ceegaag Online)

Mahadin iyo waynaynba waxa iska leh Ilaaha maalmaha, bilaha kala fadilay. Mudo aan s fogayn waxa aynu ku  jirnay khayrkii iyo barakadii bishii barakada badnayd ee Ramadaan. Maantana waxaynu fooda la galay bishii kale ee khayrka badnayd ee Dhul-Hijjah, taas oo tobankeeda cisho ee ugu horeeyaa ay xambaarsan yihiiin khayr iyo fadli fara badan.

Fadliga Maalmahan

1) Waynaanta ay leeyihiin dartood ayuu Ilaahay ku dhaartay maalmahan. Waxa uu Alle yidhi “Waxaan ku dhaartay fajriga iyo tobanka habayn”(AL-Fajr 1-2).

2) Wanaaga maalmahan la sameeyo ma jiro wanaag u dhigmaa. Waxa uu sheegay Nabigu (Naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha ahaadeene) in aanu jirin Camal ka fadli badan camalka lala yimaado maalmahan. (Abu Daa’uud– 2438)

3) Waxa ku jira maalinta Carafa oo ah maalmaha Alle maalinta ugu fadliga badan. Waa Maalin Alle uu dhaafo danbiyada in badan oo ka mida adoomihiisa. Sidoo kale waa maalin uu Alle in badan oo adoomihiisa ah ka xoreeyo Naarta.
 

Sidee baynu uga faa’idaysanaa maalmahan.

  1. Toobada aynu badsano: Fursadahan oo kale waa fursadaha looga faa’idaysto in Alle loo soo noqdo, sidaa darteed aan ka toobad keeno dhac dhicii inaga dhacay maalmihii, bilihii iyo sanadadii aynu soo dhaafnay.
  2. Soom: Soomku waa cibaadooyinka Alle loogu dhawaado kuwa ugu qiimaha badan sidaa daraadeed aynu isku dayno in aynu maalmahan ka soomno intii karaankeena ah. Waxa jirta axaadiis ishaaraysa in uu nabigu(Naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha ahaadeene) Soomi jiray sagaalka maalmood ee ugu horeeya bishan. Imaam Nawai waxa uu sheegay in Soomka maalmahani uu yahay mid aad u fiican.
  3. Xuska Alle oo La badsado: Waxa uu soo wariyay Iimaam Bukhaari in Cabdilaahi Ibn Cumar iyo Abaa Hurayrah (laba saxaabi) in ay suuqyada wareegi jireen maalmahan iyaga oo kor u qaadaya TAKBIIRTA , dadkuna waa ay ka daba akhrin jireen.
  4. Udxiyada: In qofkii uu Alle dartii wax u gawraco, waa hadii uu awoodo. Culimadu waxa ay yidhaahdeen gawraca Alle dartii loo gawraco maalmahan Waa Sunayaasha la adkeeyay. Waana Sune uu jideeyay nabigeenii. Culimada qaar waxa ayba qabaan in ay waajib tahay.
  1. Soomka Maalinta Carafa: Waxa uu nabigu sheegay in qofkii maalintan sooma uu qofkaas Ilaahay dhaafo danbigiisa laba sano, sanad tagay iyo sanad soo socda.

 
Adam Abdulahi
Hargeisa, Somaliland

 

webmaster@ceegaag.com