shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dhimashada & Dhaawac Soomaaliyeed ee wiigan intii saxaafadu Ka hadashay inta la ogyahay 38 ruux Dhimasho iyo 59 ruux Dhaawaca

(Soomaaliya, November 19,  2010 Ceegaag Online)

Akhristayaashayada sharafta lahoow dhibaatada ka aloosan Soomaaliya siiba dhinaceeda Koonfureed waa mid aan lagu xadidi Karin qoraal qudha.

Dalkeena Hooyo Soomaaliya waxaa ka taagan nidaamla’aan ay cadahay sida lagaga bixi karo ama lagusoo af meerikaro,

Shabakadan Ceegaag ee wiigan u yara ruqaan satay inay wax ka qorta jawiga dalku marayo iyada oo ka digo rogatay Gobolka Cayn ayaawxay yara tiro koobtay dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay wiigan aafooyinka colaadeed eek u habsaday dalkena Hooyo Soomaaliya.

‘Maalinimadii  Jimcaha oo ay taariiqdu ahayd Nov,12, Majirin wax dagaalaa ama rabshadaa oo ka dhacay wadanka Soomaaliya xaaladuna waxa ay ahayd midegan.

Maalinimadii Sabtiga ahayd ee horaantii Todobaadkaan oo ay taariiqdu ahayd  Nov,13, iyana sidoo kale xaaadu waxa ay iska ahayd mid yara degan mana jiran wax rabshadaa oo ka dhacay wadanka Soomaaliya.

Maalinimadii Axada oo ay taariiqdu ku aadaneed Nov,14, waxa ay la mid ahayd maalmihii ka horeeyay mana jirin wax dagaaladaa oo ka dhacay wadanka ay dagaaadu ladageen ee Soomaaliya.

Maalinimadii Isniinta oo ay taariiqdu ku asteysneed Nov,15, ayaa howsho isbadashay waxaana maalintaasi magaalada Muqdisho ka dhacay dagaalo ay dhiig badan ku daateen.

Dagaalada ayaa waxa ay ka dhaceen deegaanada kuyaala waqooyiga magaalada Muqdisho waxa ayna dagaaladaasi u dhaxeeyeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya kuwa AMISOM iyo waliba xoogaga ka soo horjeeda.

Inta la ogyahay dagaaladaasi waxaa ku geeriyooday 1 ruux halka ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 18 ruux oo kale kuwaasi oo intooda badan ahaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Maalinimadii Talaadada taariiqduna ay ku beegneed  Nov, 16, waxa ay ahyad maalin ka degan maalintii ka horaysay ee Isniinta mana jirin wax dagaalaa oo dhacay maalintaasi inta la ogyahay.

Maalinimadii Arbacada oo ay taariiqdu ahayd Nev, 17, Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qarax xoogan oo lala eegtay ciidamada AMISOM ee ku san magaalada Muqdisho xili ay marayeen wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa markii uu dhacay ka dib ayaa waxaa jirtay iska hor imaad dhexmaray ciidamada AMISOM iyo waliba xoogaga ka soo horjeeda, taasina waxa ay keentay in madaafiic loo qaybiyo qaybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dagaaladaasi iyo duqaymahaasi ayaa waxa ay sababeen dhimasho iyo dhaawac waxaana inta la ogyahay ku geeriyootay ilaa iyo 21 ruux halka ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 30 ruux oo kale kuwaasi oo intoota badan ahaa dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa xaafadaha magaalada Muqdisho.

Isla maalinimadii Arbacada Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya degmada Xamar wayne ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen 1 sidoo kalana waxa ay ku dhaawaceen 1 ruux oo kale.

Saraakiil ka tirsan dowlada ayaa waxa ay Sheegeen in labadaan ruux ay ka tirsanaayeen xoogaga ka soo horjeeda dowlada gaar ahaan xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale Hooyada Dhashay labadaasi ruux oo midna ay dileen ciidamada dowlada midna ay dhaawaceen oo saxaafada la hadashay ayaa waxa ay sheegtay in wiilasheeda aysan Al-Shabaab ka tirsanayn.

Isla maalinimadii Arbacada  Sidoo kale dagaalo ayaa waxa ay ka dhaceen Kalshaale oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buuhoodle ee gobalka Cayn.

Dagaalada ayaa waxa ay u dhaxeeyeen labo beelood oo wada dega gabalkii loo yaqaanay Togdheer balse hada ukala jabjabay deegaanada Qabaa-ilada, waxa ayna dagaaladaasi sababbeen dhimasho iyo dhaawac waxaana inta la ogyahay ku geeriyooday ilaa iyo 10 ruux halka la sheegay in ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 10 ruux oo kale.

Isla maalinimadii Arbacada Dagaalo ayaa waxa ay ka dhaceen deegaan dhina waqooyiga kaga beegan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, dagaaladaasi ayaa waxa ay ahaayeen dagaal beeleedyo dhex maray labo beelood oo wada daga deegaanka ay dagaaladu ka dhaceen inta la ogyahay waxaa ku geeriyootay ilaa iyo 3 ruux.

Maalinimadii Khamiista ee tobobaadkaan oo ay taariidu ahayd Nev,18, Maxkamada Xarakada Al-Shabaab ee gobalka Galgaduud waxa ay xukun ku riday nin la sheegay in uu galay fal ka baxsan shareecada islaamka oo ah fal Sino ah.

Ruuxaan oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa waxaa lagu fuliyay xukun dil ah.

Isla maalinimadii Khasiista Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu dilay 1ruux oo ka mid ahaa ganacsatada magaaladaasi waxaana dilkaasi geestay kooxo hubaysan oo aan haydtooda lagaran.

Marka  laga soo tago deegaanada iyo magaalooyinka ay rabshadaan waxyeelada sababay ay ka dhaceen ayaa waxaa jiray meelo badan oo ka mid ah wadanka Soomaaliya oo iska nobdoonaa todobaadkaan oo aysan ka dhicin wax rabshadaa.’(RBC)

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com