shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamo uu wato Mahad Cambaashe oo la wareegay gacankuhaynta degaanka Kalshaale.

 

(Kalshaale, November 18,  2010 Ceegaag Online)

Kadib dagaalkii dorraad ka dhacay degaanka Kalshaale oo ka tirsan degaamada hoosyimaadda degmada Buuhoodle ayaa waxaa shalay soo gaadhay raxan ciidamo ah oo ka tirsan kuwa Soomaliland kana soo ambabaxay magaalada Widhwidh.

Ciidankan ayaa waxaa hogaaminayay Mahad Cambaashe iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Somaliland ee fadhiisimaha ku leh gobolka Sool ka dib markii madaxda sarsare ee maamulka Soomaaliland amar ku siisay ciidankaas in ay gabiahaanba la wareegaan deegaankaas inta la qabanayo shir ay isgu imanayaan beelaha ku diriray dhuldaaqsimeedkaas si looga hortago shaqaaqo markale ka dhacda degaankaas keentana khasaare horleh oo ka ballaadhan kii hore.

Dadwaynaha degaankaas gaar ahaan labadii beelood ee ku dagaallamay degaankaas ayaa soo dhaweeyay imaanshaha iyo tallaabadaas uu qaaday maamulka Soomaaliland kuna tilmaamay mid laga dheehankaro masuulnimo iyo nabadgalyo jacayl.

Arrintu sikastaba ha ahaatee odayaasha degaanka ayaa hadda ku hawllan sidii ay isugu imanlahaayeen ugana wada hadlilahaayeen dhibaatadan aan loo baahnayn ee dhexmartay dadwaynaha walaalaha ah ee ku  wadanool degaankaas.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com