shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Booliska Hargaysa oo Qabtay nin Qarax Xoogan ka Gaystay Gudaha Magaalada Hargaysa oo sababay ugu yaraan 9 Ruuxi oo dhaawac ah

(Hargaysa, November 09,  2010 Ceegaag Online)

Ciidamada Booliska Magaalada Hargaysa ayaa saaka Gacanta ku Dhigay nin Maalintii shalayto Qarax ka Fuliyey Magaalada Hargaysa Qaraxaasi oo Gaystay Khasaare farabadan  ayna ku Dhaawacmeen Ugu yaraan 9 Ruuxi oo la Geeyey Isbitaalka Guud ee Magaalada Hargaysa.


Qaraxaasi ayaa Waxa Gaystay Daa’uud Nuur Faarax oo Bam Gacmeed ku Tuuray Gaadhi uu lahaa nin ay Isku Qoys yihiin Magaalada Hargaysa Gudaheeda Kadibna Maanta Ciidamada Amaanku ninkaasi Gacanta ku soo Dhigeen, Bambkaasi ayaa baa’biiyay gaadhigaasi oo ahaa Grande Waxna Qaraxaasi siwayn looga hadal hayaa gabi ahaanba Magaalada Hargaysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.

Ciidamada Booliska Magaalada Hargaysa ayaa Maanta Wariyaasha u shegay in Qaraxaasi ninka Gaystay uu Doonayey inu Khaarajiyo nin Kale oo Isku Qoys ahaayeen Isla Markaana Qaraxii u uga tagay Gaadhiga Dushiisa kadibna ka tagay, isla Markiiba Qaraxasi uu dhacay, Waxayna Dhacdadani ka Noqotay gabi ahaanba Mandaqada Mid layaab Leh.

Cali Dhagjar
Ceegaag.com
Buhodle

webmaster@ceegaag.com