shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Beesha Bariga Burco oo u qabsoontay Ergooyinkii  nabadaynta  iyo Ergooyinkii Nabadaynta oo haatan  Buuhoodle ku soo Jeeda

(Qorilugud, November 21,  2010 Ceegaag Online)

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Qorulugud ayaa ku soo Waramaya in Beesha Bariga Burco Maanta Magaalada Qorulugud kaga Dhawaaqday Xabad Joojin Rasmi ah iyo inay soo Fariistaan Miiska Wadahadalka oo la Xaajoodaan Beesha Deegaanka Buuhoodle oo Dhawaan Dagaalku Dhexmaray Deegaanada Kalshaale iyo Maygaagle.


Xabad Joojinta iyo Wadahadalkani ayaa Yimid kadib Markii Saddexdii Maalmood ee tagay Magaalada Qorulugud Wadahadalo uga socdeen Salaadiin ka socotay Galbeedka Bariga Burco iyo Gobolada kale ee Waqooyiga Soomaaliya, iyagoona Waxgaradka Bariga Burco ku Heshiiyey Maanta Galinkii Hore Xabad Joojin Rasmi ah iyo inay Miiska Wadahadalka soo fariistaan kana soo Qayb galaan Wadahadalada.

Dhinaca Kale Ergooyinkaasi ayaa ku soo Wajahana Deegaanka Buuhoodle Waxana loo Diyaariyey Caawa in Wadahadalada Qaybta Hore ka dhacaan Deegaanka Maygaagle oo Barito Kulamo kula yeelan Doonaa Isimada Cuqaasha
Culumada iyo Salaadiinta Ergooyinka u socda Waxaana Caawa si wayn loo Diyaariyey Goobta Wadahadaladu ka dhacayaan oo ah Deegaanka Maygaagle oo haatan Isimada Gobolka Cayni ku sii Jeedaan.

Kala soco Shabakada Wararka Ceegaag.com Wararkii ugu danbeeyey ee Wadahadalaasi oo si too ah aanu Dhagaysyaasha Akhristayaashaba ugu soo Gudbin Doono Hadii ilaahay Idmo.


Cali Dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
 

webmaster@ceegaag.com