shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Soomaalida UK Ku Nool oo Olole ugu Jirta Siideynta Lamaanaha Ingiriiska

 

(London, November 14,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa isa soo taraya dadaalada ay wadaan jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan dalka Ingiriiska kuwaasi oo ay ku doonayaan inay qeyb weyn uga qaataan siideynta lamaanah u dhashay Britain ee afduubka ay ku heystaan burcad badeeda.

Hada waxaa ka socda magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ka socda dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu sii deynayo Lamaanaha u dhashay wadanka Ingiriiska, sida la sheegay dadaaladan ayaa bilawday ilaa markii labadan lamaana ay gacanta u galeen afduubayaasha.

Dadaaladan ayaa waxaa hada wada masuuliyiin ka tirsan Maamulka Ximan iyo Xeeb, iyo aqoonyahano ku sugan gudaha degmada Cadaado, kuwaas oo wada qoorshihii lagu sii deynayo lamaanaha u dhashay wadanka Ingiriiska oo mudo ka badan sanad gacanta ugu jira kooxo burcad badeeda Soomaali ah.

Midhaha dadaaladii ay wadeen jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa la goosandoonaa saacadaha inagu soo aadan oo bislaan doona Iinshaa alaah.

Jaaliyadaha Soomaalida ee ku kala nool qeybaha kala duwan ee dalka Ingiriiska ayaa waayadanba waday baaqyo codsi ah oo ay u jeedinayaan kooxda burcad badeeda ee heysta lamaanahan oo lagu kala magacaabo Paul iyo Rachel kuwaasi oo mudo ka badan labo bilood afduub ay u heystaan burcad badeeda Soomaali ah oo ku sugan xeebta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Masuuliyiinta jaaliyadaha Soomaalida ayaa si isdaba joog ah baaqyadooda warbaahinta uga gudbiyey iyagoo ka codsaday kooxda burcad badeeda inay si shuruud la’aan ah ku siidayaan lamaanahan oo waayeelo ah isla markaana caafimaadkooda laga deyrinayo.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in jaaliyada Soomaalida ee London ay qabanqaabineyso mudaaharaad ka dhan burcad badeeda heysta lamaanaha iyadoo la filayo in baaq ku saabsan siideyntooda loo jeediyo.

Dowlada Ingiriiska ayaa soo dhoweysay dhaqdhaqaaqyada iyo tallaabooyinka ay wadaan jaaliyadaha Soomaaliiyeed ee dalkaasi ku nool ee lagu doonayo in lagu siidaayo labada ruux ee dalka Britain u dhashay ee burcad badeedu heysato. Dowlada Ingiriiska waxay horey u diiday dalab lacageed oo ka soo baxay burcad badeeda kaasi oo ay ku tilmaantay dowladu mid aan socon Karin.

Qalabka warbaahinta ee Soomaalida iyo kuwa kale ee ka hawlgala dalka Ingiriiska ayaa labadii toddobaad ee u dambeeyey ka hadlayey barnaamijyo ku aadan nolosha lamaanaha ka dib markii todobaad ka hor uu booqday dhakhtar Soomaaliyeed oo ka soo waramay xaalada caafimaad ee labada ruux.

Dhakhtar Maxamed Xangul oo ahaa dhakhtarkii booqday lamanaaha oo ah nin iyo xaaskiisa, ayaa walaac ka muujiyey xaaladooda caafimaad, isagoo sheegay in labadooduba ay la il daran yihiin xanuuno soo wajahay mudadii la heystey.

Walaac badan ayaa dunida oo dhan gaar ahaan bulshada Soomaalida ka muujisay wararka ku saabsan heysashada sii socota ee labadaasi ruux, waxaana jaaliyada Soomaalida ee Ingiriisku ay si kulul u cambaareeyeen dalabka madaxfurashada ee burcad badeeda ka soo yeeray.

Soomaali badan oo ku nool dalka Britain ayaa u arka in heysashada lamaanaha Ingiriiska ay saameyn ku yeelan karto maadaama ay yihiin dad magangelyo ka heley dowlada Ingiriiska oo dalkeeda ku soo dhoweysay.

Waxaa sidoo kale arinta lamaanaha dhowaan baaqyo kala duwan oo lagu dalbanayo in si shuruud la’aan loo siidaayo soo saarey dowlada ku meel gaarka, maamulka Puntland iyo odayaal dhaqameedka Soomaalida oo dhan.

Si kastaba ma jirto wax jawaab ah oo illaa hadda ka soo yeeray kooxda burcad badeeda ee heysata lamaanaha oo aan ka ahayn dalabkii hore ee ay ku dalbadeen lacagta madax furashada ah oo ka badan $4 milyan.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com