shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Yurub oo marki ugu horaysay Maxkamadaynaysa Burcad badeed Soomaaliyeed.

(Rotterdam,  May 27,  2010 Ceegaag Online)

Shan nin oo Soomaali ah oo looga shakisanyahay Burcad badeed ayaa maxkamad uga bilaabatay maalinti talaadada ahayd wadanka Netherlands, waana markii ugu horaysay oo wadan dhaca qaarada Europe lagu maxkamadeeyo Burcad badeed.

Maxkamadaynta shanta nin ee Soomaalida ah ayaa ka bilaabatay maxkamada degmada Rotterdam sidaasi waxaa warfidiyeenada u sheegay Wim De Bruin oo ah afhayeenka xafiiska qareenada qaranka Netherland.

Shanta nin ee la maxkamadaynayo ayaa kala ah:

1-Axmed Yuusuf Faarax oo 25 sano jir ah
2-Jaamac Maxamed Samatar oo 45 sano jir ah
3-Cabdirisaaq C/laahi Xirsi oo 33 sano jir ah
4-Sayid Cali Garaar oo 39 sano jir ah
5-Cismaan Muuse Faarax oo 32 sano jir ah

"Doonti burcad badeeda waxaa burburiyay ciidamada bada ee Holland, nimankan waa la soo qabtay waxaana gacanta ku dhigtay xukuumada Holland, walina waxay u taaganyihiin maxkamad, hadi kiiskaan ku cadaado ama ay qirtaan nimankaani waxay mutaysan doonaan 9-12sano oo xabsi ah" sidaasi waxaa yiri mar kale Wim De Bruin.

Maxkamada Rotterdam dhexdeeda ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mida ragi falka burcad badeednimada loo haystay, Sayid Cali Garaar oo indhaha ka ilmaynaya ayaa ku qayliyay "Hadii caruurtayadu gaajoodaan yaa ka masuul ah?, "guryihiina ayaad hurudaan, ana xabsi ayaan ku jiraa,wadan ma lihi, qoys ma lihi ".

Hase yeeshe C/risaaq C/laahi Xirsi oo 33 sano jir ah ayaa qirtay dambigiisa, wuxuuna cadeeyay inuu bada u aaday si uu usoo afduubto maraakiib shisheeye, warar goos goos ah oo aan ka helaynayo maxkamada ayaa cadeeyay in mid kale oo ka mida burcad badeeda uu isna qirtay falka burcad badeednimada ah.

Isku soo wada duubo nimankan Burcad badeeda ah ayaa la soo qabtay bishii January sanadki 2009 iyagoo weerar ku haya markab ku gooshayay calanka wadanka Holland,muddo ka badan sanad ayay jireen xabsi ku yaala wadanka Holland, inkastoo dooda adag ee meesha taala tahay xeerka ciqaabta ay mutaysan doonaan hadiiba lagu helo dambiga burcad badeednimada.

Maxkamadaynta Burcad badeeda:

Wadamada Faransiiska,Spain iyo Netherland waxay ahaayeen wadamada kaliya ee yurub ku yaala kuwaasi oo burcad badeed ku haya dhulkooda, hase ahaate Netherland ayaa noqotay wadanki ugu horeeyay ee maxkamad soo taaga Burcad badeed.

Todobaadki hore, wiil Soomaaliyed oo lagu magacaabo Cabdiwali Cabdulqaadir ayaa maxkamada magaalada New York ku xukuntay 27 sano oo xabsi ah, ka dib markii uu ka badbaaday falkii ciidamada Maraykanku ku toogteen saddexda nin ee burcad badeeda ah 8-April-2009 kuwaasi oo afduubtay markab ku gooshayay calanka wadanka Maraykanka, waxaana markabka Americanka ah lagu magacaabi jiray Maersk Alabama.

Sidoo kale Jaziirada Seychelles iyo Kenya ayaa gacanta ku haya 58 maxbuus oo burcad badeed ah, walina ma soo taagin wax maxkamad ah, dowlada Kenya oo iyadu gacanta ku haysa 18 burcad badeed ah ayaan wali wax maxkamad ah soo taagin sababo la xiriira kharashka maxkamadaynta oo aad u sareeya.

Jaziirada Seychelles oo gacanta ku haysa 40 burcad badeed Soomaali ah ayaan wali wax makamad ah soo taagin, mana jirto mid ka mida burcad badeeda oo qirtay dambigiisa, sidaasi waxaa yiri xoghayaha warfaafinta madaxweynaha Seychelles Srdjana Janosevic.

Cabdirshiid Maxamed Daahir

lacle1004@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com