shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad dhaqaale loogu ururinayay Jaamacada Gedo oo manta ka dhacay masjid jaamaca Magaalada Boston

(Boston,  May 31,  2010 Ceegaag Online)

Xaflad aad loo soo agaasimay ayna isugu yimaadeen dhamaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacday qolka shirarka ee masjid jaamaca magaalada Boston ee gobolka Massachusetts wadankan Maraykanka.

Xafladan ayaa waxaa abaabulkeeda lahaa Oday Nageeye iyo C/qaadir Hindi iyaga oo run ahaantii maanta isugu keenay dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee Boston markii labaad abid iyada oo jaaliyadu horay isugu timid xaflad balaadhan oo loo qabtay Gudoomiyii Gobolka Banaadir ee markaa  Cade Gaaboow sanadkii 2005 tii.

Xaflada ayaa waxaa kasoo xaadiray marti sharaf ka kala timid gobolada Virginia, Taxes, iyo Ohio. Sidoo kale waxaa marti sharafta ka mid ahaa Ayaanle Maxamed Siyaad Bare oo isagu gilgilay goobta shirka markii uu istaagay Codbaahiyaha.

Xafladan ayaa ku salaysneed sidii dhaqaale lagu dhiso Jaamacad ay yeelato gobolka Gedo siiba magaalada Baardheere loo suuro galin lahaa.

Jawiga Xaflada ayaa ahaa mid aad u wanaagsan iyada oo darbiyada lagu xardhay magacyada Jaamacadaha Dalka Soomaaliya dhaman waqooyi iyo koonfurba.

Xaflada waxaa xidhiidhinayay Macalin Warfaa furtaankiina waxa uu u dhacay sidatan  Dhagayso

Waxaa Xaflada ku furay aayadaha quraanka kariimka ah qaari Maxmed Xuseen Carab Dhagayso

Waxaa kalmadii wacdiga ahayd kasoo jeediyay xaflada Sheekh Tawakal Yuusuf waxa uuna yidhi Dhagayso

Waxaa isna  goobta ka hadlay Pro: Warsame Xasan Cali oo ka hadlay   Dhagayso

Sidoo kale waxaa isna goobt ka hadlay Dr. Burhaan Yuusuf Ismaaciil       Dhagayso

Waxaa iyana goobta ka hadashay Dr. Faadumo Macow (Bocoriini) waxa ay tidhi Dhagayso

Waxaa isna goobta ka hadlay Maxamed Cabdulaahi Kooreeye (Food) waxa uu yidhi   Dhagayso

Waxaa kale oo goobta ka hadlay  Sayid Sheekh Cumar Sheekh Daahir    Dhagayso

 

Xaflada qaybteedan waxaa kusoo gabo gaboobday qudbad aad u qiiro badan oo uu goobta ka soo jeediyay wiil uu dhalay Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Ayaanle Maxamed Siyaad Bare.  Isagoo u mahad celiyay Waxa uu Yidhi Dhagayso

 

 

Lasoco Xaflada Qaybeheeda kale Qoraaladeeda Danbe.....................

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com