shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wararkii ugu danbeeyay ee Caasimada Soomaaliya ayaa soo warinaya sii socoshada Xasuuqa Shacabka iyo jahwaraarka siyaasadeed ee Golaha Shacabka

(Muqdisho,  May 16,  2010 Ceegaag Online)

Ugu horayn waxaa jagada laga tuuray  gudoomiyihii Baarlamaanka eeg Xildhibaanadii diidanaa gudoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa  ka mid ahaa qaar kamid ah golaha wasiirada xukuumadda KMG Soomaaliya, siiba Khadiijo Maxa’ed diiriye oo ah wasiiradda reer miyiga, dhirta iyo daaqa, Maxa’ed Ibraahim Xaabsade oo ah wasiirka dekedaha, C/Rashiid Maxa’ed Xidig wasiiru dowlaha arimaha gudaha

Waxaa la kiciyay buuq iyo qalalaase kalfadhigiina albaabada ayaa loo laabay kadib maxaa dhacay.

 

Xubnaha baarlamaanka ee kasoo horjeeda gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxa’ed Nuur ayaa maanta doortay gudoomiye KMG ah oo xilka sii haynaya inta laga dooranayo gudoomiye cusub  Xaaji Shukri Sheekh Axmed oo ah xildhibaanka ugu d’ada weyn xubnaha baarlamaanka oo da’diisu ay tahay 85-jir.

Gudoomiyaha KMG-ka ah ee la doortay oo nafsad ahaantiisa saxaafadda la hadlay ayaa sheegay 310-xildhibaan ay doorteen 15-cisho gudohoodna uu ku qaban qaabin doono doorasho lagu doorto gudoomiye cusub.

Waxaa isna arinta sii murgiyay Gudoomiyhii hore ee Baarlaamnka Aadan Madoobe oo isna ku dhawaaqay in xukuumada raysalwasaare Sharmaarke  iyadana uu ka dhamaaday wakhtigii oo iyana sharci daro tahay.

Waxaa isna is difaacay Raysal wasaaraha Soomaaliya isagoo gudoomiyaha ku eedeeyay Qiyaamo Qaran.

 

Kaaxaha diinku gabadyaasha ah ayaa fursadaa jahwareerka Siyaasadeed u dusiyay Madaafiic qawleesatada Afrikaanka ah ee ilaalinasa dawlada ku meelgaadhka ah. Halkaa oo Afrikaankiina sii waday Xasuuqii shacabka. In ka badan 20-qof ayey dhimashadu gaartay iyadoo dhaawacuna uu kor u dhaafay 50-qof kadib markii maanta madafiic la isku weeydaarsaday magaalada Muqdisho.

Qasaaraha ugu badan ayaa waxa uu ka dhasahay suuqa weyn ee Bakaaraha oo ay ku geeriyoodeen dad ku dhow 15-qof iyo dhaawaca dad kabadan 40-qof.

Madfac ku dhacay agagarka boosteejada Hiiraan ee suuqa Bakaaraha ayaa sababay dhimashada 7-qof iyo dhaawaca 9-kale oo hal meel ah.

Madfac kale oo ku dhacay agagarka sarif yaraha lacagta doolarka suuqa Bakaaraha ayaa dhaliyay dhimashada 5-qof iyo dhawaca tiro intaa ka badan.

Sidoo kale 3-qof ayaa ku geeriyootay madafc ku dhacay suuqa timirta ee Bakaaraha.

Murugada io calalyowga Caasimada Soomaaliya ayaa noqotay wax aan dunida horay looga arg, iyada oo ilaa hada dhibaatada shacabku camimtay Cariga Koonfureed ee Soomaaliya.

www.ceegaag.com

 USA

webmaster@ceegaag.com