shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wafti ka socda UNka oo ay ka midyihiin saraakiil sare oo Laascaanood gaadhay

(Laascaanood,  May 12,  2010 Ceegaag Online)

Magaalada Laascaanood Waxaa Maanta Gaadhay markii ugu horaysay Wafti heer caalami ah oo ka socda Laamaha Qaramada midoobay ee Saldhiyadeedu yahay magaalada Nairobi ayaa maanta gaadhay magaalada laascaanood ee Xarunta gobolkaasi Sool, Waftigaasi ayaa ka soo kicitimay magaalada nairobi, iyagoona soo maray magaalada Hargaysa ee Xarunta maamulka la magac baxay Somaliland.
 
Waftigani ka Socda UNKa oo maanta laascaanood Yimid ayaa safarkooda lagu sheegay u kuur galida Xaalada Guud ee arimaha bulshada gaar ahaan dhinacyada Caafimaadka Waxbarashada, biyaha iyo dadka barakacyaasha ah ee magaalada laascaanood ku sugan.
 
Waftigani ayaa Waxay ka kala socdaa ha,yada kala ah WHO UNICEF, WPF waxna waftigani hogaaminaya saraakiil sare oo katirasan UNKA, Waftigani ayaa intii magaalada laascaanood joogeen Waxay maanta kormeer ku tageen Xarumaha kala ah, Isbitaalka Guud ee laascaanood halkaasi oo warbixin kaga dhagaysteen masuuliyiinta caafimaadka.
 
Sidoo kale Waftigani ayaa booqday Xarumaha waxbarshada ee gobolka sool iyagoona kulamo la yeeshay isla masuuliyiinta waxbarashada ee gobolka sool, sidoo kale Waxay u guur galeen Xaalada dadka ku Xidhan xabsiyada laascaanood oo halkaasi ay kulamo kula yeesheen saraakiisha saldhigyada.
 
Ugu danbaytii Waxay magaalada Laascaanood kulan gaar ah kula Qaateen Madaxda maamulka gobolka kan degmada iyo laamaha amaanka ee magaalada Laascaanood iyagoona warbixin kaga dhagaystay xaalada Guud ee gobolkaasi.
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

 

webmaster@ceegaag.com