shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wadahadalo u furmay saraakiisha itoobiya iyo waxgaradka deegaanka iyo cabashooyin ka soo yeedhaya Wadayaasha Gaadiidka

(Buuhoodle,  May 19,  2010 Ceegaag Online)

Iyadoo magaalada Buuhoodle wali Ciidama Itoobia ee ku sugani gacanta ugu jiraan dhamaan Gaadiidkii deegaanka Buuhoodle iyo Nawaaxigiisa ayaa haatan Wax soo baxaya Cabashooyin ka soo yeedhaya guud ahaan bulshada deegaanka oo iyagu cabasho xoogan ka Muujiyey sii haysashada gaadiidkii ee Ciidamada Itoobia wali gacanta ugu jira.
 
Ugu horayba Waxa arimahaasi Cabashooyin xoogan ka Muujinaya Wadayaasha Gaadiidka oo iyagu sheegay inay aad uga xun yihiin talaabadan wali lagu haysto gaadiidkooda waxna ay ka Codsadeen Madaxda dawlada Federalka itoobiya inay si deg deg ah ugu siidayaan gaadiidkooda oo Xiligan ka Xidhan in mudo ah.
 
 
Dhinaca kale Wax Magaalada Buuhoodle kulamo uga bilowday Waxgaradka deegaanka Buuhoodle iyo madaxda itoobiyaanka oo ku aadan sabahah gaadiidkaasi wali loo haysto waxna Qaarkamid ah waxgaradka oo Ceegaag.com la hadlay u sheegay inuu kulankoodu ku dhamaaday is afgarad laguna wado in gaadiidkaasi dhawaan la siidayn doono,balana Qaadeen dhinaca itoobiyaanku inay siidaynayaa Gaadiidkaasi.
 
Ceegaag.com
News


webmaster@ceegaag.com