shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ururka dhalinyada ee SYDO oo Wacyigalin dhinaca nadaafada ah ka bilaamay Buuhoodle iyo masuliyiinta Caafimaadka oo ka digay in Cudurka shuban biyoodku ka dilaaci karo Buuhoodle

(Buuhoodle,  May 09,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa saaka subaxnimadii hore ururka SYDO ka bilaabay magaalada Buuhoodle wacyigalin ay dadka uga digayaan cudurada ka dhalana kara nadaafad darrada sida qashinka, biyaha fadhiya iyo cudurka dilaaga ah
 ee aan weli daawadiisa la helin ee HIV/Aids;

 iyagoo ku soo wareegay dhamaan xaaafadahaa magaalada koone kastana uga baxay.
waxaana ka mid ahaa halhaysyadoodii (Inta Qashinku kuu jiraaa Cudurku kuu jiraa) Ururkaasi ayaa mudooyinka Waday Wacyi galin balaadhan oo looga hortago Cudurada ka dhalanka Nadaafad Xumada soo Wajahday magaalada buuhoodle xiligan.
 
 
Dhinaca kale Masuuliyiinta Caafimaadka ayaa dhinacooda Maanta Warbaahinta u sheegay inay biyaha ka buuxa wadooyinka magaalada ay ka dhalan karaan, Cudurada Shubanka Kaneecada iyo Cudurada ku dhaca, Caloosha o biyaha wasakhaysan ka dhalankara xiliyadan oo kale.
 

Ururkani Sydo ayaa noqday ururka kaliya ee isagu mudooyinka ka shaqeeya arimaha bulshada isagoona waxyaabo badan ka Qaybtay arimaha bulshada deegaanka, sida Wacyi galinta caafimaadka waxbarashada iyo ka Qayb Qaadashada Nabada oo ah waxyaabaha lagu nool yahay.
 


 
Ali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com