shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ugu yaraan 7 Ruux oo maanta  ku dhaawacmay Shilal Baabuur oo ka dhacay, Marqaan iyo Bur buris.

(Hawdka Sare,  May 13,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa Maanta galinkii hore Shil Baabuur oo sababay Dhaawac ugu yaraan 6 Ruuxi uu Maanta ka dhacay Wadad Isku xidha magaalooyinka Marqaan wayne iyo magaalada bur buris oo dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada buuhoodle gudaha ugu jira Wadanka itoobiya.

Shilkaasi dadka faraha badani ku dhaawacmeen ayaa yimid kadib markii, labo gaadhi ay isaga horyimaadeen Wadada Isku Xidha magaalooyinka marqaan iyo magaalada burburis, oo gaadiidkaasi kadibna isku dhaceen,taasin oo keentay in dadkani labada gaadhi saarnaa uu dhaawacyo Culusi soo gaadhaan.

Wadada Isku Xidha magaalooyinka marqaan iyo Bur Buris ayaa ah Wado ay inta badan ka dhacaan shilalka noocan oo kala ah, iyadoo sababay looga dhigayo Wadada oo ah wado leex leex badan iyo Xiligan oo guud ahaanba Wadooyinka Xidheen dhir farabadan oo Cagaar ah oo wadooyinka ku soo fiday xili roobaankan oo aanay gaadiidku is arki karin Xiliyada ay ku jiraan safarka.

Magaalada Buuhoodle Waxaa katagay Gurmada farabadan oo gaadhay goobtii uu Maanta shilku ka dhacay Waxaana lagu Wadaa in saacadaha soo socda la soo gaadhaysiiyo buuhoodle dadkii ku dhaawacmay shilalkaasi gaadhi ee Maanta ka dhacay Deegaankaas.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com