shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxda Shirkada Isgaadhsiinta ee telesom oo Buuhoodle saxafiyiinta shirjaraad ugu Qabtay xaruntooda

(Buuhoodle,  May 29,  2010 Ceegaag Online)

Madaxda Shirkada Isgaadhsiinta ee telesom ee buuhoodle ayaa maanta magaalada Buuhoodle ku Qabtay Shir Jaraa'id gaar ahaan Xarunta Shirkada Isgaadhsiinta ee telesom Buuhoodle waxna shirkaasi saxafiyiinta kula hadlay Madax horumarinta gobolada ee shirkada telesom faarax sugaal guure, iyo Gudoomiyaha shirkada telesom ee Buuhoodle Cabdi samad Cali xasan
 
 
Gudoomiyaha Horumarinta Gobolada ee Shirkada Telesom Faarax sugaal ayaa saxafinyiinta u sheegay inay aad uga xun yihiin wararka in dhawaale lagu baahiyey Qaarkamid ah warbaahinta ee lagu sheegay in telesom arimo siyaasadeed uga jirtay Isgaadhsiinta deegaano badan oo katirsan Buuhoodle iyo Laascaanood.
 
 
Gudoomiyaha Horumarinta Gobolada ee Shirkada Telesom Faarax Sugaal Guure ayaa warkaasi ku tilmaaya warar lagu dilayo sumcada telesom waxna uu sheegay Faarax Sugaal in telesom tahay shirkada ka madaxbanaan dhammaam arimaha siyaasada una adeegto Guud ahaan Bulshada, kana Caawiso wax ii dhibaato ah ee soo gaadha macaamiishooda.
 
 
Faarax Sugaal ayaa intaasi raaciyey inay ka xun yihiin ka shirkada ahaan in talefoonada deegaanada Qaarkood ku timid Cilid waxna uu sheegay in  hada lagu Guulaystay xalinta Ciladaasi Isgaadhsiintuna haatan dib ugu soo laabatay Deegaanadii ay ka maqnayd.
 
 
Calidhagjar
Buuhoodle
Email calidhagjar@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com