shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

SNM: Dembiilanimo iyo cunsurinimo cidhib wanaagsan iyo taariikh toona ma reebto.

(Hargaysa,  May 09,  2010 Ceegaag Online)

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona  ha ahaato korkiisa kii aanu jirin nebi ka dambeeyaa iyo ahalkiisii iyo asxaabtiisii dhamaan.

Intaas ka dib:

 

Waqti aan sidaas u sii fogayn ayay taageerayaasha kooxda budhcada ah ee SNM, ay u dabaal degeen sanad guura ka soo wareegtay sanadihii madoobaa ee uu cadawga xabashidu ku soo biiriyay saaxada Soomaalida ururkaa cunsuriga ah SNM, koox kasta ama mid walba oo taageerayaashooda ka mid ahi wuxuu ugu dabaal degaayay qaabkiisa u gaarka ah, hadaba taageerayaashaa kuwooda wax ku qora mareegaha kala gedisan ee cunsuriyada iyo Soomaali nacaybka lagu faafiyo, ayaa ku soo qoray

 

 Mareegahaa qoraalo kala gedisan oo ay kaga qayb qaadanayeen xuska sanad guuraha loo samaynaayay ururkaa cunsuriga ah, qoraaladaas intooda badani waxay ahaayeen isla kuwii hore ee uun ay qori jireen sanad kasta, oo wax cusub oo ay ku soo kordhiyeen ma jirin, marka laga reebo hal qoraal oo ay ishaydu si fiican u qabatay, aana aad ula yaabay sida ninka qoray qoraalkaas uu u dheeh dheehayo waxa uu ugu yeedhay taariikhdii ururkaa cunsuriga ah, waxa aad iiga sii yaabisay taariikhda ri’yada iyo khiyaalka ah

 Iyo guulaha aan waxba ka jirin ee uu ninkan qoraalka qoray uu ka sheekaynaayo, xumaanta iyo dembiilanimada uu ku tilmaamayo wanaaga, uuna doonaayo in uu ummada ka iibiyo, wuxuuna jecel yahay ninkanu in dembiyada iyo xadgudubyada ay shacabka ka galeen uu noqdo mid faafa oo meela badan gaadha, gaar ahaan wadankeena oo dhan oo uu u hibeeyay iyo mandaqada aynu ku naaloba, waa nin u badheedhay in uu xumaan fidiyo, wuxuuna ku tilmaamay taariikh ku dayasho mudan!!!!

 

SNM: taariikhdu dadkay hagtaa!!!!!

 

Weedhatan aanu shakigu ku jirin inaad dhamaan la yaabi doontaan, marka laydinka reebo taageerayaasha SNM, ee sida indha la’aanta ku taageersan dhamaan dembiyadii iyo xadgudbyadii ay ummada iyo wadankaba ka galeen, waa cinwaanka uu xambaarsanaa qoraalkaa aan soo tilmaamay, ee uu ninka qoray uga dan lahaa marin habaabinta taariikhda ummada,iyo abuuris taariikh been abuur ah,  qoraalkaas waxa lagu soo daabacay mareegta islaam nacaybka iyo dabadhilifnimada ku caan baxday

 

Ee afdheer(wardheer.com). hadaba qoraalka intiisa badan wuxuu ninkaasu kaga hadlaayay aasaaskii ururkaa cunsuriga ah iyo intii mujrim ee madaxtinimadiisa u kala dambaysay, taas oo uu ku macnaynaayay dimoqraadiyad ku daysho mudan!! Aan se dhamaanteen ka warqabno in xoog lagu kala kacsanaayay, oo aanay marna wax doorasha ah lagu kala helayn, si kastaba ha ahaatee ma jirto waxaan ka faa’iidayno xili la aasaasay urur cunsuri ah iyo mujrim mujrim bedelay toona, ee waxa u jeedkaygu

 

Yahay, in aan halkan ku xuso weedho uu qoraalkaasu xambaarsanaa, oo ku tusinaysa riyada iyo lunsanaanta uu ku sugan yahay ninka qoraalkaa qoray iyo dhamaan taageerayaasha ururkaa cunsuriga ahiba, weedhahaasuna sidan bay u dhignaayeen tan ugu horaysaana waa: { SNM waxa ay gashay halgan hubaysan iyo mid siyaasadeed oo ku suntami doona taariikhda casriga ah ee Soomaalida guud ahaan, gaar ahaanna ta Somaliland. Taariikhda SNM waxa laga baran karaa qiyamta talowadaagnimo iyo isu tanaasulaadka ku tusmaysan.}

hadalkan oo ah mid marin habaabin ah, waxay xaqiiqadiisu tahay in SNM cadaw ku adeeganaayay, oo intuu soo tababaray oo soo hubeeyay uu ku soo hagay wadankoodii, si ay u gaadhsiiyaan wuxuu cadawgu gaadhsiin kari waayay, taas oo aynu maanta wada aragno natiijadeedii, mabda’oodu wuxuu ku salaysnaa qabiil iyo isir kala sooc cunsurinimo ah, dagaalkooda xoogiisu 85% wuxuu ku jahaysnaa dad shacab ah iyo goobo aanay joogin haba yaraatee ciidamada dowladeed, ciidamadooda waxa lagu dagaal

 

 Gelin jiray in ay iyagu dhulka iska leeyihiin, wixii aan la qabiil ahaynina ay tahay in ay dhulka ka guuraan, ayna noqdaan dowlad ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale, dabcan waxay iyagu doonayeen iyo wuxuu cadawga soo hubeeyay rabay aad bay u kala fogaayeen, marnaba cadawgu ma rabin in ay noqdaan dowlad madax banaan, ee bal siyaasadiisu waxay ku salaysnayd taynu maanta ku jiro guud ahaan Soomaaliya, waxay dhulkaa ka gaysteen dembiyo iyo xadgudubiyo aanay gaysan Naasiyiintii iyo

serbiyiintii midkoodna,shakina kuma jiro in taariikhdoodu ku dambayn tay ku dambayeen Naasiyiintii, Serbiyiintii, cadaankii midab takoorka ahaa ee koonfur Africa iwm, miyaad aragteen taariikh ka hadhay kuwaas! Dembiilayaal cunsuriyiin ahi cidhib wanaagsan iyo taariikh toona ma reebaan, druusta laga baran karaa Allaah ha inaga ilaaliyee, waa cunsuriyada qabiilka ku salaysan, fidnada iyo iska horkeenka walaalaha wada dhashay, necaybka ummada inteeda kale, gumaystah iyo cadaw u adeegida, xalaashiga wax kasta oo xaaraam ah, dilka foosha xun,

 

 dhaca,bililiqada iyo wax kasta oo dembi iyo xadgudub ah.Weedha labaad ee iyana I soo jiidatay baa waxay iyana u dhignayd sida tan: { SNM waxa ay talada ku celisey dadka markii dalka la xoreeyey ka dib oo waa tii 1993 Boorame xilka iskaga wareejisey. Taasi ka baaqashadeeduna waa tii ay USC ku guul seegtay, markii dambena horseedday qalalaasayaasha la soo dabbaali la’yahay ee dagaallada sokeeye iyo ismaandhaafyada la hal maala ee gacan-ka-hadalka ah ee ilaa maanta dhisaalan.}

 

Tanuna waa dheehdheehid indha la’aan ah iyo marin habaabin kale, SNM markay gobolada qaar gacanta ku qabteen kuna dhawaaqeen riyadoodii soo jireenka ahayd ee ay waqtiga dheer hiigsanayeen, ee ah in ay ka madaxbananaadaan Soomaaliya inteeda kale, waxa ka dhex abuurmay dhibaatooyin badan waxayna isaga wada horyimaadeen hab qabiil, ilayn aasaaskoodu qabiil buu ahaa qabiilna meel uu ku dhamaado ma laha ee, doonidiina meel badwayn ah bay kula caariday, oo waxba way ka qaban kari

 

 Waayeen qalalaasihii, jaahwareerkii, darxumadii iyo colaadihii hadheeyay goboladaa, laba sano ka dib ayaa waxaa inqilaab nabad gelya ah ku samayay xukumkoodii Maxamed Ibraahim Cigaal, oo wata qaar ka mid ahaa siyaasiyiintii Manefesto iyo waxgarad iyo aqoonyahan kaleba, C/Tuur oo ahaa markaa madaxii ururkaa cunsuriga ah ee SNM, wuxuu u boqoolay dhinaca koonfurta markii xukumkii laga tuuray, wuxuuna ka soo horjeestay isla markiiba, gooni isu taagii ay hore ugu dhawaaqeen.

 

Maxamed Ibraahim Cigaal wuxuu xukumka ka fogeeyay xubnihii SNM, waayo wuxuu ku qanacsanaa in hadii ay ku sii jiraan xukuumada aan wax horumar ah la gaadhayn, wuxuuna horumar wayn ka sameeyay dhinaca nabad gelyada yaanayba caga adag ku taagnaan ee, horumar badan oo kalena wuu sameeyay intii uu xukumka hayay, dalkii waa isu furmay, dadkiina waa is dhex galeen oo isu socodkii baa soo noqday, qaxootigii ku sugnaa ee ku darxumaysnaa dhulka Ethiopia gumaysataana wadanka ayay dib ugu

 Soo noqdeen, Maxamed Ibraahim Cigaal waxba kama bedelin andacadii SNM ee ahayd gooni isu taaga, in kasta oo aanu isagu ahayn nin doonaaya in uu dalka kala gooyo,  kuna qanacsanaa in aanay suura gal ahayn , Soomaalida kale iyo aduunkana ka gadmayn,hadana waxa ku adkaatay in uu si fudud uga horyimaado, balanqaadkii ay SNM shacabka hooga iyo halaaga u soo mariyeen, ubadkoodiina awgeed ay ku laayeen, markaa taas wuxuu ka doorbiday in uu nabad ka sameeyo goboladaas horta, adeegyadii

 

Aasaasiga ahaana soo celiyo, dhowrona inta Soomaaliya xal laga gaadhaayo, isagoo taas si fiican ugu dhuun daloolay oo la socday dedaalada loogu jiro, talooyina ka dhiiban jiray arimahaas, hase yeeshee arintii waxay madax ilaa minjo isu rogtay markuu geeriyooday Maxamed Ibraahim Cigaal aw Riyaalena kursigii ku fadhiistay. Markaa waxaynu leenahay SNM waxa lagu sameeyay inqilaab nabad gelyo oo taladii lagagala wareegay ka dib laba sano oo wax qabad la’aan ahaa, USC se waxa lagu sameeyay

 

 inqilaab degdeg ah oo ay siyaasiyiintii manefesto ka dambeeyeen, markii dambena dhiig aad u fara badani ku daatay. Waxa se xusid mudan wax kastaba ha ku kaceen ee, in waqti aan aad u badnayn ka dib uu magacii USC saaxada ka baxay, oo aan maanta la hayn wax magacaa sheegta, markii ay ku qanceen taageerayaashii ururkaasu in aanu u horseedi doonin nabad iyo barwaaqo, inta uu jirona aan xal laga gaadhayn arimaha wadanka ee murugsan, waa arin qaderin iyo ku dayasho mudan, oo ay ka baaqsadeen taageerayaasha SNM!!!!

 

Weedha saddexaad ee iyana ishaydu qabatay sidan bay u dhignayd: {Si kastaba ha ahaato’e,  wixii libtooyo ama guulo halgankaas SNM ka dhashay maxsuul ahaan dadka (Somaliland) waa u dhex oo maanta iyo berrito toonna lama kala sheegan karo, taariikh ahaan se gadood dhacayba goobtiisa ayuu lahaa, berritona yeelanayaa. Maanta Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ama wasiirkiisa Arrimaha Gudaha  Cabdillaahi Cirro ama inta kale ee ka midka ahayd intii la safnayd siyaasaddii taliskii Maxamed Siyaad Barre lagama sheegan karo Somaliland oo ka mid ah guulihii SNM ka biqlay. Agoontii SNM ee aabbahood lagu diley halgankaas iyo agoontii uu dhalay aabbihii xagga kale ka sii jeedey ee isna halkaas ku dhintay, labada agoonoodba maanta xuquuq siman ayay Dastuurka Somaliland ku wada leeyihiin oo uma kala sed burin karo. Kala duwanaantu se waa sooyaalka taariikheed oo Daahir Riyaale iyo Cabdillaahi Cirrona ku suntaysa in ay ka mid ahaayeen adeegayaashii iyo saaxiibbadii Taliskii Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan Ciise Jaamac iyo Axmed Maxamed Seyidina  aasaasayaashii SNM}

Waxaan shaki ku jirin in ninka qoraalkan qoray uu yahay qoraa aan sahlanayn, haduu qoraaladiisa kaga hadli lahaa wanaaga,khayrka iyo cadaalada, ummadu wax badan ayay ka faa’iidaysan lahayd, waxa se ah wax aad looga xumaado in uu qoraaladiisa u adeegsado dhinaca sharka, waa nin aad u baratay sida baadilka xaqq loogu ekaysiiyo, xaqqana baadil looga dhigo, waxaan filaayaa taas waa duruustii uu ka soo qaatay ururkaa cunsuriga ah ee SNM, waayo sida uu qoraala kale ku sheegay wuxuu ka mid ah ururkaa

 Oo uu dhalinyaranimo kaga mid noqday, waxana leeyahay libtooyada iyo guusha halkaa inaga dhig waayo taasu wax aasaas xaqiiqa ah ma laha, labada agoomood ee uu leeyahay waxbay u siman yihiina waxay ka mid tahay dheehdheeha uu u samaynaayo maamulka isku magcaabay Somaliland ee dhaxlay fikirkii lunsanaa ee SNM, waxa se cad in aan labadaa agoomood u sinayn maamulkaa, sideedabana aan loogu tala gelin in ay sinaadaan, kala duwanaasha sooyaalka taariikheed ee Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan Ciise

 Jaamac, Axmed Maxamed Seyidina iyo Daahir Riyaale, Cabdullaahi Ciro oo gadaal kaga soo biiray iwm, waa aasaasayaashii sharka,fidnada iyo cunsuriyada, taariikhda ummadana waxay kaga qoran yihiin baal madow, waxana waajib ah in lagula xisaabtamo intooda nool dembiyadii ay ummada ka galeen oo ay ugu dambeeyeen kuwaa hada gobolka Sool ka dhacaaya, dhinaca kale Pro. Ismaaciil Hure Buubaa, Dr. Caydiid Ilka Xanaf, Pro. Axmed Ismaaciil Samatar, Cabdullaahi Boos iwm, waa ururiyaal u guntaday siday ummada ugu soo celin lahaayeen qaranimadii, sharaftii iyo karaamadii, waxana u sugnaatay cidhib wanaagsan, taariikhdana waxa ay ka gelayaan baal dahab oo lagu xasuusto, waa marka aynu mandaqadaa ka hadalo ee. 

Xoraynta Laascaanood

Qaar ayaa waxay I wadiiyeen, maxaad xoraynta Laascaanood wax uga qori wayday, oo dedaalada xoraynta magaalada uga qayb qaadan wayday?!!! Horta waa run oo in kasta oo aan aad wax uga qoray intii aanu cadawga Ethiopianku magaalada ku wareejin maamulka la baxay Somaliland, markii la qabsaday magaaladana aan ahaa kii ugu horeeyay ee ummada u iftiimiyay shirqoolka cadawga, in arinta uu gacanta kula jiro cadawgeena Ethiopia, taasna la ogaaday waqti dheer qoraalkaygii ka dib in ay run

Tahay, waqtigaa anigu waxaan  dhamaan dhinacyada ay arintanu khusayso ugu baaqay in la wada hadlo, miiska wada hadalada laysugu yimaado, oo arinta si nabad gelyo ah lagu dhameeyo, iyada oo danta shacabka wax walba laga horaysiinaayo, markii taas laga quustay ayna muuqatay in qolo walba Kitaab qumane ahi qoorta u sudhan yahay, dhinac walibana ka ka soo horjeeda uu u arko khaayimiin iyo dabadhilifyo ay tahay in aan arintan loo daba fadhiisan, ayaan markaa garwaaqsaday in aan wax ka

Qorista arintanu waxba soo kordhinayn, hase yeeshee mabda’aygii iyo fikirkii aan taas ka qabay wax iska bedelay ma jiraan, ilaa maantadaana waxan qabaa in waxa aan la huri dooninin uu maanta haboon yahay, kaas oo ah wada hadal arintan lagu dhameeyo waa fursad weli taagan, oo haboon in laga faa’iidaysto inta aan khasaare dhicin, dabadeedana khasaaraha ka dib ay lama huraan noqon in wada hadal laysugu yimaado sidii Soomaalida u caada ahaan jirtay, dhinacyada arintan ku lug lihi way badan

Yihiin,mid dowlad aan meel ay ka gadmayso la garanayn sheeganaaya oo is mahadiyay, mid iyaga ka daba sacabinaaya, mid ciishaysan oo in lagu soo xadgudbay u arka, mid ishaafalata ku jira iwm, dhamaan waxaan leeyahay, belo haday dhacdo Allaah ha inaga hayee, waxay yeelan kartaa kedisooyin aan nina ku tala gelin, ayna tahay in uu dhinac waliba fisho, oo nina guul iskuma hubo ee caqligu ha shaqeeyo, maanta labadaa gobol ee woqooyi galbeed iyo woqooyi bari waxa lagu haystaa nabad ay la’dahay

Soomaali inteeda kale ee yaan la lumin, waxan maqli jiray walaaleheena Cafarta oo aynu cid isugu dhownahay, oo dhiig iyo dhalashoba inaga dhexayso, ayaa waxay ku maahmaahaan:” Soomaali dhergay alxamdulilaahi ma yidhaahdo” runtii aad baan u garwaaqsaday arintaa, bal eeg cibrad kumaynu qaadan wax yaabihii badnaa ee 20kaa sano ina soo maray,ilaa maalintii dhibaatadu bilaabantay waxaynu arkaynay koox xoogaa yar oo guul ah gaadhay iyagoo awel ku andacoonaayay in la dulmay,markaas ayay

Halkay Allaah ka mahadin lahaayeen, bay iyagu is mahadiyaan, oo la soo baxaan kibir iyo isla wayni iyo ka dhega adayg wax kasta oo loola yimaado, oo bilaabaan in ay inta kale madaxa cagta ka saaraan, markaas ayaad beritoo arkaysaa hadana iyada oo cid kale lagu saliday oo wixiiba ka fara madhan, haba yaraatee cibrad kuma qaataan wixii hore u dhacay, koox kasta oo maanta wax is bida cibrad waxaa ugu filan hadii Allaah tusaayo, dowladii Africa ugu xooga waynayd waxaa xukumkii ka riday jabhada qoryo

Yar yar wata, oo aanay weligood xisaabta ku darsan, dhab ahaantii may ahayn waxa riday jabhado,bal wax yaaba kale oo badan baa isu urursaday, oo dunuub ah, markaa jabhadihii hubka u qaatay ee ay xaqirayeen, baa  Allaah tacaalaa ku ciqaabay iyaga in ay xukumka ka tuuraan, hada dhinacyada arintan ku lugta leh qaar baa is mahadiyay, laga yaabee xoogaa ay dabadooda ku og yihiin owgeed, bal waa sidaan soo xusnay ee belo haday dhacdo cidina ma saadaalin karto meesha ay ku dambayn, markaa caqligu ha shaqayo Soomaaliyay,weliba mid baan taas ku darayaa waana dhibtii iyo burburkii Soomaaliya woqooyi

Buu ka bilaabmay, nabad soo noqatana woqooyi bay ka bilaabatay, hase yeeshee reer woqooyi ugama faa’iidaysan nabada ay heleen sidii haboonayd, bal waxaa waqtigii lagu lumiyay mudadaa labaatanka sanadood ah riyo iyo dhalanteed, oo ah dowlad baanu nahay aan meela ka gadmayn suura galna ahayn, wax badan baana taas ku seegay reer woqooyi, hadaan maanta inta hadhay laga faa’iidaysan oo aan wax la saxin oo caqli iyo niyad wanaagsan lala iman, waxaan shaki igaga jirin in ay dhibtu mar labaad ku soo noqon halkay ka bilaabantay, oo ay ku dambayn woqooyi,tan kale aniga Laascaanood, Hargaysa,

 Gaalkacayo, Baydhabo iwm, waa isugu kay mid, intubana waa ciida qaranka Soomaaliyeed, midnimadooduna waa lama taabtaan, midnimada dhulka Soomaaliyeedna wax gorgortan ah ma leh haba yaraatee, sidaas darteed waxaan u arkaa kuwa yidhaahda marka ay SNM ta ka hadlayaan, haday doonayaan intooda ha goosteen!!!! In uu yahay hadal raqiis ah oo wadaniyad xumo ku dheehantahay, Soomaaliya waa mid, cid dhul gaar u lihina ma jirto, bal dhulka qaranka ayaa leh, Soomaali oo dhamina

Waa u siman yihiin Laascaanood, Hargaysa, Gaalkacayo, Baydhabo iwm, ururada qabiilka ku salaysan ee hada jira ama la aasaasaayona, waxaan shaki ku jirin in ay ku dhici doonaan tay ku dhacday SNM ee aan hada ka hadlayno, haday taasu dhacdo oo aan noolahayna waxaan noqonayaa kan ugu horeeya ee cambaaraya, waayo anigu SNM dad ahaan uma necbi, ee waxaan ku necebahay dembiyadii, fidnadii iyo xadgudubyadii ay dalka ka gaysteen, cida doonaysa in ay ka hortagaan fikirka guracan ee gooni isu taaga

Ee ay SNM horseedka ka tahayna, waa in ay abuuraan urur wadani ah oo kaga hortaga fikirkaa gurcan gudaha iyo debedaba, taageerana waa in ay ka raadsadaan inta badan ee caafimaadka qabta ee joogta Laascaanood, Burco, Hargaysa iwm, xubnaha ururkana laga qayb gelyo dadkaa, habkaa wadaniga ah baana lagaga guulaysan karaa ururkaa cunsuriga ah, maanta waxaan aaminsanahay in uu dhamaaday xiligii qoriga caaradiisa wax lagu raadin jiray, bal waa xili hab siyaasadeed oo nabad gelyo ah wax lagu

Raadiyo, waa xili mudan halkii laga aasaasi lahaa ururo qabyaalad ku salaysan, la aasaaso ururo wadaninimo ku salaysan, waa run oo Laascaanood waxaa xoog ku jooga cadawna kaga dambayaa niman budhcad ah, oo ah ciidamadii SNM ta aynu qoraalkan kaga hadlayno, hase yeeshee dee budhcadaasu waa Soomaali ay cunsurinimo iyo fikir guracani madax mareen, una baahan in laga dawayo cudurkan Soomaali necaybka ah ee uu shaydaanku ku ibtilayay.

Colka wadhaf ma lagu deyay?!!

Horta mudo aad u dheer, markii wax walba laysku deyay in lagu dawayo walaalaheenaa gooni isu taaga iyo Soomaali necaybka lagu ibtilayay, ee ay waxba tari waayeen, waxaan odhan jiray tolow dawada baas ee ugu dambaynta lagu dawaynayaa maxay noqonaysaa?!! Waxa se kediso iyo lama filan waa igu noqotay, aadna aan ula yaabay, markii ay fanaanada Saado Cali qaaday dhowr heesood, oo ay kaga soo horjeedo gooni isu taaga madax maray kooxda SNM iyo taageerayaashooda, ayaa waxay ka dhex

Abuurtay maamulka la magac baxay Soomaaliland guud ahaan jaahwareer iyo isku dhex yaac aad u xoogan, qayla dhaan aad u dheer baa ka soo yeedhay SNM iyo taageerayaashoodii, waxaad subax kasta ugu soo waaberiisanaysaa warbaahinta u adeegta maamulkaas gaar ahaan mareegaha internetka, tobanaan heesood oo la leeyahay waxaa loogu jawaabayaa fanaanada Saado Cali, oo lala doonaayo gabdho cod wanaagsan oo reer Somaliland ah oo ku luuqaya!! Qoraaladu iyaguna waa ay tira

 Beeleen,heesahaa iyo qoraaladuba intooda badani waxay xambaarsanaayeen cay iyo aflagaado oo dhan, oo lagula kacaayo fanaanada Saado Cali, in kasta oo aan iyada heeseheedu xambaarsanayn wax cay  ah iyo aflagaado toona, waxa se jiray dad ka xumaaday siday wax u dhaceen, una xishooday kuwii xagjirka ahaa ee waxaa qoraayay ama alifaayay, iskuna deyay in ay wax toosiyaan, una sheegay kuwaa jidbada iyo cunsurinimadu madax martay, in ay Saado Cali waqtigii dagaalada u hiilisay SNM oo ay abaal

Ka mudan tahay, hadana aanay iyadu caytamin, oo aanay inaga mudnayn waxaas oo aflagaado ah, hase yeeshee dadkan dambe waxay arintu ku noqotay dad kaa badan iyo biyoba way ku hafiyaan, oo kuma guulaysan in ay joojiyaan mowjadaa cayda iyo aflagaadada ah ee lagula kacay fanaanada, si kastaba ha ahaatee waxay arintani muujisay oo ay daliil u tahay, daciifnimada qadiyada kooxdan madax martay ee gooni isu taaga, waxay ka dhigan tahay xabad beed ah oo in ay jabto laga ilaalinayaan iyo dhinaca kale in ay weli jiraan wax badan oo laysku dayaa, si loogu daawayo kooxdan ibtilaysan.

 

Doqonka Faysal Cali Waraabe oo u ugaadhsan doona dhamaan wixii dembiyada ka galay siday Yuhuudu u ugaadhsato Naasiyiintii!!!! 

Ugu horayn waxan jecelahay in ay aqristayaashu iiga cudur daaraan kelmeda aan kor ku xusay oo laga yaabo in ay qaar ula muuqato aflagaado qaawan, hase yeeshee waxaan leeyahay sida aad wada ogtihiin ninka waxa qoraya ama alifaya iwm, hadalku isagaa isa soo hormariya oo wuxuu ku cabiraa ficilada cida uu wax ka qoraayo ama ka alifaayo, ninkan Faysalna ficiladiisa ayaa sidaa ka dhigaaya, ee maaha wax aan anigu maskaxdayda ka alifay, ninkanu mudadii ay colaaduhu wadanka ka jireen, ee fidnada iyo

Dhibtu aafaysay ummada oo dhan, wuxu isagu kaga jiray meel qabow oo nabad ah, oo wuxuu la joogay ragii madaxda ka ahaa dowladii markaa talada haysay, daacad buuna u ahaa, adeegya badan waa u qaban jiray, markay dowladii dhacday ayuu Faysal dantiisa ka arkay in ay u haboon tahay in uu ku biiro ururkaa gooni goosadku madax maray ee SNM, wuxuuna la soo baxay dardar cusub, Soomaali nacayb iyo cunsuriyad uu ku fadhfadhiisiyay ragii ruug cadaaga ku ahaa cunsurinimada iyo gacankudhiiglanimada ee ururkaa uga horayay oo dhan, Faysal wuxuu ku caan baxay in uu wax alaale iyo wixii afkiisa ku soo dhaca iskaga hadlo, hadalkiisan ugu dambeeyay ee aan kor ku xusay, Faysal wuxuu yidhi hadal aanu qiyaasi karin meesha uu la gelaayo iyo meesha uu ku dhamaan doono, ma laga yaabaa in cida uu is leeyahay waxbaad ugu qabanaysaa uu wax ugu dhimaayo!!! Hadaan faysal hadalkiisa halkaa ku dhaafno, waxan jecelahay in aan qoraalkan ku soo gunaanado arin aan aqoon korodhsi uga dan leeyahay, oo aan rabo in ay aqristayaashu ii fasiraan siyaasad ahaan, waayo waan

 Fahmi kari waayay marka garashadayda hoosaysana lagu daro ujeedada ka dambaysa, waana saddex tusaale oo ku saabsan dembiyadii dalka laga galay sanadihii badanaa ee ina soo dhaafay, kan hore waa gumaad lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen qaar ka mid ah madaxdii ciidamadii Soomaalida, waana dhacdada la magac baxday xasuuqii Jaziira, anigu war sugan kama hayo siday u dhacday, ee sida qayrkayba u maqlay uun baan u maqlay, waase arin hadal haynteedu aad ugu badan tahay warbaahinta

Soomaalida, waxan barbar dhigayaa laba dhacdo oo gumaad ah oo ka mid ah xasuuqyadii faraha badnaa ee ay dalka ka gaysatay kooxda SNM, dhacdada hore waa: 1989 kii dabyaaqadiisii ayaa ciidamadii SNM kala degeen dad shacab ah oo aan hubaysnayn oo ay isir sooceen, gawaadhi maraysay meel magaalada Ceerigaabo u dhow, dadkaa waxaa loo qafaashay buuraha Ceerigaabo, waqti dheerna halkaas ayaa lagu hayay, ugu dambayntiina waa la xasuuqay, dadkaa waxaa ku jiray dad biri ma gayda ah oo da’ ah.

Dhacdada labaadna waa: 1991kii markii ay dowladii dhexe dhacday, ayaa meesha la yidhaahdo Bancade oo u dhow magaalada Xudun ee gobolka Sool, ayaa dad reer miyi ah oo ah laba beelood, oo ka mid ah beelihii walaalaha ahaa ee ay SNM fidnada dhex dhigtay ku dagaalameen, dagaal maalin socday hase yeeshee aan wax khasaara ah gaysan, subaxii maalintaa ka dambeeyay ayaa dhinac ka mid ah reer miyigii shalay dagaalamaayay, waxay arkeen ciidama fara badan oo tikniko wata oo ku soo wajahan,

Meel dhufays ah bay la galeen xoogaa yar oo qoryo ah, oo ah kuwa fudud oo ay qaarkood siteen, si ay isugu daafacaan, ciidankii badnaa ee tiknikada watay markii ay ku soo dhowaadeen bay calan cad u taageen ragii dhufayska ku jiray, kaas oo muujinaaya nabad, waxayna ka dalbeen in ay cid soo dirsadaan, laba nin baa loo diray, ciidanku waa ciidankii SNM, waxayna nimankii u sheegeen, in dalkii nabad gelyo ka dhacday oo la heshiiyay, ayna halkan hada u yimaadeen in ay nabad dhex dhigaan iyaga iyo qoladii ay

 Shalay dagaalameen, runtii arinta nabadaynta waxbaa ka jiray, oo odayaal iyo waxgarad badan baa ku hawlanaa markaa, dhul badana waa la nabadeeyay oo waa lagu heshiiyay, mandaqadana dhaqdhaqaaq caynkaas ah waa laga filaayay, sidaas darteed nimankii reer miyiga ahaa arintaa way ku qanceen, wayna ka soo baxeen dhufayskii ay ku jireen oo ciidankii SNM ta bay u yimaadeen, markay taasu dhacday, ayaa ciidankii SNM tu isku wareejiyeen nimankii waxayna ku amreen in ay hubka dhigaan, nimankaasu hubkii

Bay dhigeen waayo khiyaar kale oo hortooda yaalaa ma jiro markan, nimankaa markii hubkii laga dhigay si toos ah baa loogu xasuuqay goobtii, markaa sida muuqata saddexdaa dhacdoba waa gumaad lagula kacay dad shacab ah oo maxaabiis ah, waana dembi aad iyo aad u wayn, ayna waajib tahay in cadaalad la hor keeno cidii ka dambaysay, laakiin waxaa jira kala duwanaansho ka dhexeeya saddexdan dhacdo, waana tan ay su’aashaydu ku saabsan tahay oo aan rabo in aan aqoon korodhsi ka helo, waxaana

Jawaabta ka sugayaa aqristayaashu in ay ii iftiimiyaan, su’aashuna waxay tahay dhacdada hore waa tan Jaziira ee, waa mid aad warbaahinta ugu baahsanayd muda dheer, oo had iyo jeer la hadal hayo, halka labada dhacdo ee dambe aanan haba yaraatee ku maqal kuna arag warbaahinta, marka waa maxay kala duwanaanshaha labadan arimood iyo dhacdooyin badan oo la mid ah oo qaarna si xooga loogu soo qaado warbaahinta, qaarna aamba la adkurin, waa maxay sababta taas keentay?!!!!!!

Wabillaahi atowfiiq

Essa Mohamoud Aadam

almutawaadic@yahoo.com

 

webmaster@ceegaag.com