shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkada Isgaadhsiinta telesom oo Deeq gaadhsisay dadkii ku barakacay dagaalkii Widh Widh

(Widhwidh,  May 26,  2010 Ceegaag Online)

Ceegaag.com oo Waraysi la yeelatay Faarax sugaal oo kamid ah madaxda telesom ee deeqda gaadhsiiyey Widh Widh    Dhagayso

Shirkada Isgaadhsiinta Telesom oo kamid ah shirkada ka Howl gala inta badan gobolada somalia ayaa Deeq gaadhsiisay dadkii ku barakacay dagaalkii dhawaan ka dhacay degmadaasi Widh Widh oo iyaga haatan xaaladooda caafimaad laga soo dayrinayo,dagaalkaasina kala kulmay dhibaatooyin farabadan oo barakacaasi ka soo gaadhay.

Shirkada Isgaadhsiinta ayaa maanta deeqdaasi gaadhsiiyey in ka badan 350 Qoys oo iyagu ka barakacay dagaalkaasi degmada Widh Widh oo haatan ay soo foodsaartay dhibaatooyin kala duwan sida uu Ceegaag.com u sheegay Faarax Sugaal oo kamtirsan Masuuliyiinta shirkada telesom oo isagu deeqdaasi ka Qayb biyey deegaano badan oo katirsan degmada Widh Widh.

  

Faarax sugaal ayaa Ceegaag.com u sheegay isagoo waraysi khaas ah siinaya in deeqda dadkaasi ay gaadhsiiyeen ka koobnayd bacaha roobka laga gala iyo marakaneecooyin loogu tala galay Carruurta iyo hooyinka iyagu ku dhibaataysan deegaanada Widh Widh katirsan, Waxana uu intaasi Raaciyey faarax sugaal inay sii Wadi doonaa kaalmada ay la garab taagan Yihiin macaamiishooda maalin iyo habeenba.

 

Dadkii loo Qaybiyey ayaa dhinacooda mahad balaadhan u Jeediyey Shirkada Isgaadhsiinta ee telesom oo ku tilmaamay talaabo loo baahnaa aadna ugu faraxsan yihiin kaalmada telesom soo gaadhsiisay oo ahayd mid kaliya ee shacabku u baanaayeen.

 

Cali dhagjar

Ceegaag.com

Email calidhagjar@hotmail.com


 

webmaster@ceegaag.com